Sarkaal Itoobiyaan Ah Oo Ku Xidhan Madaarka Hargeysa

0
614

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ee madaarka Hargeysa ayaa khamiistii xidhay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanyahay ismaamulka Somalida Itoobiya ee kililka shannaad.

Sarkaalkan oo aanay hay’adaha ammaanku wax war ah ka soo saarin xadhigiisa ayaa laga qabtay madaarka Cigal Airport oo uu ka soo degay, waxaana la sheegay inuu ka yimid dalka Maraykanka, wasaaradda arrimaha gudaha oo aanu isku daynay inaanu xadhiga ninkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, laakiin ninkan oo ay wararka qaar sheegayaan inuu la taliye u yahay madaxweynaha maamulka kililka shannaad ayay xukuumadda Somaliland ku haysaa baadhis la xidhiidha ujeedada safarkiisa iyo weliba sababta uu Hargeysa uga soo degay. Ninkan oo aanay noo suurtogelin inaanu magaciisa helno ayaa wuxuu ku xidhanyahay madaarka Hargeysa, waxaanu madaarka kaga soo degay Basabor Itoobiyaan ah.

Safaaradda ay dawladda Itoobiya ku leedahay Hargeysa oo aanu iyadana isku daynay inaanu xadhiga ninkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.