Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis Ku Sii Daayay Haweenaydii U Xidhnayd Farriin SMS Ah Oo Ay Wasiir Xirsi U Dirtay

0
564

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cafis ku sii daayay Marwo Nadra Maxamed Jaamac, oo ah haweenay ay maxkamadda gobalka Hargeysa ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ah ka dib markii uu dacwad ku oogay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo sheegay inay telefoonkiisa ugu dirtay farriin aflagaado ah.

Nadra, oo iyadoo Hargeysa joogta xalay u warantay Wargeyska Geeska Afrika, waxay sheegtay in lagu soo daayay cafis madaxweyne, ka dib markii laga codsaday  Madaxweynaha, "Waxa la igu soo daayay cafis Madaxweyne, ka dib markii laga codsaday." ayay tidhi Nadra, oo sheegtay inay maalmaha soo socda saxaafadda la hadli doonto. Nadra, waxa shalay ay ka soo baxday xabsiga magaalada Gabiley.

Haweenaydan ayaa wuxuu xadhigeedu abuuray dareeno xaasaasi ah, waxaanay maxkamadu dhagaysatay dacwadaas oo ay xeer ilaalinta qaranku soo oogtay, aakhirkiina waxa lagu xukumay 8 bilood oo xadhig ah, waxaanay dhamaysatay dhawr bilood.