Dawladda Somaliya Oo Aan Weli Ka Hadal Shirka Uu Turkigu Qabanayo

0
455

 

Picture6Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ayaa laba maalmood ka dib dhawaaqii xukuumadda Somaliland aan weli ka hadal wada hadalka ay Somaliland sheegtay inay dawladda Turkigu isugu keenayso Somaliland iyo Somaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa Isniintii sheegtay inay aqbashay wada hadal uu Turkigu isugu keenayo labada dal si dib loogu bilaabo wada hadalkii sannadkii hore ka bilaabmay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya iyo weliba madaxtooyada Somaliya oo mawduuc kasta oo dalkooda ku soo kordh kaga jawaabta baraha ay ku leeyihiin Twitterka oo ay aad u isticmaalaan, ayaa u muuqda inaanay weli mawduucan ahmiyad siinayn, waxase ay aad uga hadleen mawaadiic kale. Tusaale ahaan Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay boggeeda Twitterka aad ugaga hadashay kulamo ay la yeelatay wefti ka socday dalka Finland oo dhawaan Muqdisho yimid, kuwaas oo ay ku sifaysay iskaashiga Somaliya iyo Beesha caalamka oo sii kordhaya.

Hase yeeshe Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa Isniintii saxaafadda Hargeysa ugu sheegay inay warka ku hayaan inay  Somaliyana aqbashay wada hadalkaas Turkiga ka bilaabmaya bishan gudaheeda.