Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Aaska Gudomiye-xigeenkii Guurtida

0
523

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland iyo shacabka kale ee Somaliland ayaa shalay ka qayb galay aaska guddoomiye xigeenkii golaha guurtida Sheekh Axmed Nuux Fure, oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida  naxdinta leh ee ku timid Sheekh Axmed, oo ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay qaranka Somaliland iyo weliba seeska nabadeed ee ka tisqaaday. Madaxweynaha , oo ka qayb-galay aaskaasi ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-donaan ummaddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu kaalintii lama illaawaanka ahayd ee uu ku dhex lahaa bulshada, dalka iyo galaha Guurtidaba.