Madaxweyne Siilaanyo Oo Addis Ababa Soo Gaadhay Iyo Dareenada Is Barkan Ee Ku Xeeran Natiijada Safarkii Shiinaha

4
882

 

siilaanyoHargeysa(Geeska)-Waxa habeen hore soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka soo laabtay socdaal maalmo qaatay oo uu ku tagay dalka Shiinaha.

Weftiga Madaxweynaha, ayaa warsaxaafadeed ay hore u soo saareen afar maalmood ka hor waxa ay ku sheegeen in saddexda dawladood ee Somaliland, Itoobiya iyo Shiinuhu kala saxeexan doonaan heshiis rasmi ah “Heshiisyadan oo la kala saxeexanayo maalmaha soo socda waxa lagu kala saxeexan-doonaa xaflad balaadhan oo saddex geesood ah oo ay u dhan yihiin Wadanka Ethiopia, China iyo Somaliland.” Sidaas ayaa 13 August lagu yidhi  war-saxaafadeed ay madaxtooyadu soo saartay. Laakiin inta la ogyahay waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Addis Ababa soo gaadhay iyadoo aan si rasmi ah loo kala saxeexan heshiiskaas, lamana oga sababta dib u dhigtay in xaflad wada jir ah lagu saxeexo heshiiskaas. Hase yeeshe waxa la dareemayaa inuu jiro isbedel haddii uu dhaboobo oof wareen ku noqon kara diblomaasiyadda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kaas oo ah baaqashada xaflada lagu saxeexayo heshiiska wada jirka ah ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hore u shaacisay inuu qabsoomi doono maalmaha soo socda, inkastoo maalmihiiba laga soo gudbay. Waxaana la dareemayaa in lagu deg degay warsaxaafadeedkaas oo sida muuqata la soo saaray iyadoo aanay arrimuhu kala miir dilaacin.

Weftiga Madaxweynaha oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu isbedelka muuqda inuu soo kordhay wax uga weydiino ayaanay noo suurtogelin, waxase la filayaa in Madaxweynaha iyo weftigiisu marka ay soo guryo  noqdaan ay ka jawaabaan su’aalo badan oo ka dhashay socdaalkiisa.

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ku tagay dalka Shiinaha ayaa waxa ka muuqday qarbo qabo badan, waxaanu Madaxweynuhu maalintii u horaysayba caqabad kala kulmay safarkii uu ku tagayay Itoobiya ka dib markii uu si lama filaan ah ugu sii  hoyday magaalada Diridhaba halkii ay ka ahayd inuu toos u tago Addis Ababa, sidoo kalena iyadoo ay madaxtooyadu sheegtay inuu hal maalin joogi doono Addis Ababa una gudbi doono Shiinaha, ayaa haddana waxa uu Madaxweynuhu Addis Ababa ku sugnaa maalmo dhawr ah. Intaas waxa dheer safarkiisa uu ku tagay Shiinaha oo labadii maalmood ee hore laga waayay wax war ah, iyadoo uu Cismaan Buurmadoow baahiyay in weftiga lagu xanibay gegada diyaaradaha ee dalka Shiinaha.

Si kastaba ha ahaate socdaalka Madaxweynaha waxa ka dhashay dareeno kala duwan oo ay ugu horayso fool-xumooyinka ka soo baxay qaabka safarkiisa iyo weliba faashilka ka yimid warkii u dambeeyay ee ay weftigu ku sheegeen in heshiis ay xaflad wada jir ah ku wada saxeexan doonaan Somaliland, Shiinaha iyo Itoobiya, waxaana arrimahaas bulshada uga jawaabi doona Madaxweynaha marka uu soo laabto, waase haddiiba uu saxaafadda la hadlo.

Comments are closed.