Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Safar Lama Filaan Ah Ku Tagay Muqdisho

0
907

 

 

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriaydda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele ayaa shalay si lama filaana uga degay magaalada Muqdisho, isagoo hoggaaminayay wefti culus oo ka tirsan xukuumadiisa iyo Baarlamaanka dalkiisa.

Madaxweyne Geele oo watay diyaarad gaar ah, waxa madaarka ku soo dhaweeyay Shariif Sheekh Axmed iyo madax kale oo ka tirsan dawlada Somaliya, waxaanu booqday mid ka mid ah xeryaha lagu hayo dadka ay abaaraha iyo gaajadu haleeleen iyo weliba cisbitaalka Banaadir oo lagu dabiibayay qaar ka mid ah dadka baro-kacay. "Soomaaliya dhibaato ka badan intii aan filayay ayaa ku dhacday, runtiina waa mid taariikhda Soomaaliya ka galaysa baal, shacabkuna waxay gargaarka uga baahan yihiin ma aha dalalka caalamka oo keliya, balse waxay uga baahan yihiin walaalahood iyo dalalka islaamka," ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo ka murugooday dhibaatada haleeshay dadka Somaliya. Waxaanu shalay Muqdisho gaadhsiiyay deeq badan oo isugu jirtay daawooyin caafimaad iyo waxyaabaha kale ee loogu tallo galay inay soo celiyaan nafaqada carruurta yar yar ee ay macaluushu hayso.

Wuxuu Madaxweynaha Djibouti sheegay inuu doonayo inuu madaxda caalamka u horseedo inay indhahooda ku soo arkaan dhibaatada bini-aadminimo ee Somaliya ka jirta si ay ugu tabaruucaan deeqo kala duwan oo wax ka tara dhibaatada ka taagan. Waxaana la filayaa inay ku xigaan madax kala duwan oo ay ku jiraan wefti culus oo ka socda dawladda Iran oo booqan doona Muqdisho.  Weftiga Madaxweynaha Djibouti ayaa isla shalay dib ugu  noqday dalkooda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa kale oo uu booqday safaaradda dalkiisu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana magaalada Muqdisho ugu dambaysay sannadkii 1988.