Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ka Hadlay Qoraal Ay U Direen Faysal Cali Waraabe Iyo Natiijada Waan-waantii Xalay Ee Odayaasha Ciidagale

6
889

uuuuuuuuuuuuur

Hargaysa(Geeska) Gudoomiyaha maxkamda sare ee Somaliland Md. Yuusuf Cali Ismaacil  ayaa sheegay inay u gudbiyeen guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali waraabe inuu ka soo jawaabo dacwad uu sheegay inay ka gudbiyeen garabka kale ee ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Aadan Mire Waqaf.

Gudoomiyaha maxkamadda sare oo xalay waraysi kooban siiyay Wargeyska Geeska Afrika,wuxuu sheegay inay dhagaysan doonaan dhinac walba tabashadiisa oo ay  eegi doonaan waxa uu xeerkoodu dhigayo iyo shuruucda wadanka wixii arintaa ka khuseeya, layskana hor keeni doono labada dhinac ee isku haya sharciyada hoggaanka xisbiga.

Ugu horayn gudoomiyaha oo uu wargaysaka Geeska Afrika waydiiyay bal inuu ka waramo warqada maxkamadu ay u gudbisay Faysal Cali waraabe waxaanu ku jawaabay “Sidaa aad warka ku haysaan ee ah in eedaynta loo haysto Faysal uu ka soo jawaabo ayay ku bilaabantay, jawaabtana waa laga sugayaa, wakhti dhawna waan filaynaa inuu ka soo jawaabi doono qoraalka aanu u dirnay.” Ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda Sare, waxaanu isagoo faahfaahinaya dacwada uu yidhi,  “Dacwada anaga komiishankaa qoraal noogu soo gudbiyay, waxaanay yidhaahdeen maxkamdeey kala saara, qolo walbana waxaanu nidhi dacwadiina keensada, waxa hadalku ka taagan yahay cidii sharciyada hogaanka xisbiga ahaan lahayd.”

Waxa kale oo uu gudoomiyahe Yuusuf Cali  ka hadlay qaabka ay u qaadi doonaan dacwada labdan dhinac ee isku haya sharciyada hoggaanka xisbiga “Anaguna markaan dhagaysano qolo walba tabashadeeda iyo sheegashadeeda ee aanu aragno doodeeda waxa ay ku soo koobayso ee dabcana layska horkeeno, lana eego xeerkoodkoodu waxa uu dhigayo iyo shuruucda wadanka wixii arintaa ka saaran ayuun baanu eegi doonaa.”

Dhinaca kale waxaan weli guulaysan dhexdhexaadin ay labada dhinac ka dhex wadeen ergo ka tirsan beelaha Ciidagale kuwaas oo uu hormuud u yahay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe). Dhawr kulan oo kala duwan oo ay labada dhinac la yeesheen oo uu u dambeeyay mid ay xalay la yeesheen garabka ka soo horjeeda Faysal Cali Waraabe, ayaanay weli wax midho ahi ka soo bixin. Xubno ka tirsan dhinaca  ka soo horjeeda Faysal Cali Waraabe, ayaa odayaasha Beesha Ciidagale ku eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka ahayn ergada ay wadaan, halka ay xubno kale oo ka tirsan garabka Faysalna sheegeen inay garabka kale si cad u diideen ergadii odayaasha Beesha Ciidagale. Si kasataba ha ahaate waan-waantii ay wadeen odayaashaasi ayaa u muuqata inay xalay soo afmeerantay. Waxaana la eegi doonaa dhagaysiga dacwada maxkamada sare.

Comments are closed.