Madaxweyne Siilaanyo: Muxuu Odayaal Ayga Kaga Tagay (Geeska Afrika, Qaybtii 4aad)

0
494

Picture4Qormooyinkeenii hore waxaan ku soo qaadanay rag badan oo qayb libaax ku lahaa guushii Madaxweyne Siilaanyo gayaysiisay inuu noqdo Madaxweynaha Somaliland, balse aan wakhtigan laga jeclayn lagana soo dhawayn madaxtooyada. Maantana waxaan soo qaadanaynaa laba oday oo qayb muhiim ah ka soo ciyaaray guushii KULMIYE balse tan iyo maalintii uu Madaxweyne Siilaanyo guulaystay aan tallo la weydiin, kana mid ah ragga aygga lagaga tagay.

Dr. Obolos:  Dr. Axmed Ibrahim Obolos, wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirtii reer Somaliland ee sida weyn u garab istaagay Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu ahaa hoggaamiyihii doodda badnaa ee KULMIYE, waxaanu Dr. Obolos taageerada uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay kala kulmay dibin-daabyo badan oo siyaasadeed. Waxa jirtay mar Dr. Obolos ay ciidamadii Boolisku u diideen inuu tago magaalada Gabiley, waxaana lagu horistaagtay goobta caanka ah ee Caabudla. Laba goor ayaa goobtaas laga celiyay oo uu dib ugu noqday Hargeysa, waxaanu KULMIYE wakhtigaas amarka lagu soo celiyay Dhakhtarka iyo weftigii la socday ku eedeeyay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisa. Waxa iyana jirtay mar ay Dr. Obolos ciidamada Boolisku ku xidheen Gabiley, iyagoo ku eedaynayay inuu ku jiray olole siyaasadeed xilli aanay ololihii doorashada gaadhin. Hase yeeshe Dr. Obolos, wakhtigan kama dhex muuqdo xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ka dhalatay toona, waxaanu ka mid noqonayaa ragga badan ee lagaga tagay duurka, welina indhaha ka daawanaya guushii ay qaybta muhiimka ah ku lahaayeen oo aan wakhtigan waxba laga weydiin.

Iskeerse: Maxamed Cabdi Iskeerse, oo ah siyaasi ruug cadaa ah, xilalna ka soo qabtay xukuumadii Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxaanu wakhtigii uu KULMIYE mucaaradka ahaa oday taladiisa la dhagaysto, waxaanu gurigiisu ka mid ahaa goobaha lagu jaangooyo talooyinka muhiimka ah ee xisbiga KULMIYE. Ismay lahayn da’diisa iyo sida uu u ahaa madaale, marka laga hadlayo ololeyaasha siyaasadda. Dad badani waxay aaminsanaayeen in Mr. Iskeerse ka mid noqon doono golihii u horeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo, laakiin golahaas u horeeyay iyo ilaa maanta oo ay shantii sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo dhammaad ku dhowyihiin lama hayo mansab iyo tallo la weydiiyo toona. La soco