Shirkada Indho-deero Iyo Ganacsade Abu-yaasir Oo Si Adag Uga Hadlay Khilaafka Maxjarka Cusub Ee Berbera

0
739

Picture3Hargeysa(Geeska):-Shirkada Deero iyo ganacsadaha carbeed ee Abu-yaasir ayaa ka hadlay khilaafka muddooyinkii danbe ka taagnaa maxjar laga dhisaayey magaalada Barbera.waxaana ay si wada jir ah ay u sheegeen in arrinta la isku haystaa ay tahay qalabka maxjarkaasi lagu dhisaayo balse aanay ahayn in ay diidan yihiin maxjarka laftiisa.iyaga oo carabka ku dhuftay in qalabkaasi uu si sharci darro ah uu ugu gacan galay nin hore uga tirsanaan jiray shaqaalaha shirkada Deero oo maxjarkooda u qaabilsanaa dhinaca Maraakiibta.

Ganacsatadan ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay xalay fiidkii ku qabteen Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa,waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Mustafe Xaaji Cabdi (Indha-deero),waxaana uu sheegay in ganacsatada ay is haystaan ay maxjarka cusub ku dhisayaan qalab ay iyagu leeyihiin oo si khaldan ugu gacan galay nin hore Maxjarka Indha-deero ugu qaabilsanaan jiray dhinaca Maraakiibta,kadiba markiibaa uu yidhi oo nin uu dhalay sheekha ganacsadaha ah ee Abu-yaasir uu magaca qalabkaasi ku soo qoray ninkan oo magaciisa la yidhaahdo ayaa uu yidhi Yuusuf Cali Nuur.

"Maxjarka aanu leenahay ee Indha-Deero,sanad walba waxaa lagu sameeyaa oo cusboonaysiin oo waxbaa laga badalaa,maamulahii maxjarka oo uu dhalay sheekhan aanu shuraakada nahay is qabad aanu anagu is qabanay,iyada oo lacagta alaabta la soo gaday ee aanu leenahay ay tahay lacag aanu leenahay cadaymahoodii iyo waraaqahoodii oo dhana ay anaga noo diyaartahay oo aanu haysano sidii dee ay shirkadu sanad walba ay u samayn jirtay waxii lagu isticmaalayey maxjarka ee cusboonaysiinta ah.Ayaa waxaa jirta oo aanu aad iyo aad uga xunahay ragii aanu wada shaqaynaynay oo uu ka mid yahay ninkii maxjarka u qaabilsanaa maraakiibta oo Yuusuf Cali Nuur la yidhaahdo  in uu allaabtii ku socotay maxjarka wiil uu sheekhani uu dhalay oo ka cadhooday isqabad aanu is qabanay ku soo qoray magacii ninkii Yuusuf Cali Nuur oo deedna uu si khaldan uu ugala baxay dakada,k bacdina aanu ku war helnay iyada oo Allaabta yadii laga samaynaayo jambigayaga meel dhinaca naga xigta”Ayuu yidhi Mustafe Cabdi Cawad.

Md:Mustafe Cabdi Cawad(Indha-deero) oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tibaaxay in ay muddo Saddex bilood ah ay wadeen sidii arrintan ay is faham uga gaadhi lahaayeen ganacsatada kale ee ay is-hayaan,waxaana uu ugu baaqay Xukuumada iyo cid walba oo wanaag jecel in ay arrinta ay u kala xaq qaado dhinacyada ishaya,si baa uu yidhi cidii qalabkasi iska leh ay u qaadato qalabka. “Muddo Saddex bilood ah anigu waxaan waday in aan waan waan iyo is faham aanu u dhamayno Allaabta la soo noqoshadeedii oo ay allaabtu xaqayagii ay tahay,asal ahaana ay tahay wax akoonkayaga ka soo baxay oo aanu muran ku jirin cid dafiri kartaana aanay jirin,in aanu saddexdaa bilood aan wadnay si aanu isula meel dhigno anaga iyo wlaahayaga ganacsatada ah aanu ka gaadhi lahayn,arrintaa ka bacdi waxaan u dirnay maxkamadaha oo anagu arrin dhul ma haysano shaqano kuma lihin,dhulkana dee qofkii xaq iyo sharci u yeesha ayaa iska leh,waxa aanu haysanaa ee buuqa dhaliyey waa Allaabta oo ah allaabta hada Istoodhada ku jirta iyo allaabta hada qaarkood dee meesha lagu dhisay,Waxaanu aad iyo aad aanu uga codsanaynaa Xukuumada iyo cidii kale ee doonaysa wanaag in ay xaq u qaado cidii allaabta leh in allaabta la siiyo"Ayuu yidhi Mustafe Cabdi Cawad(Indha-deero).

Dhanka kale waxaa isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ganacsadaha carbeed Abu-yaasir,waxaana uu isna uu sheegay in qalabkani uu ahaa qalab uu soo iibiyey wiil uu dhalay isla mar ahaantaana si khaldan ugu gacan galay ninka la yidhaahdo Yuusuf Cali Nuur,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay arrintan markii ay maqleen ay ku noqotay arrin aad u yaab galisay. Md:Abu-yaasir,waxaa uu ugu danbayntii uu intaasi ku daray in ku kalsoon yihiin garsoorka Somaliland,isla mar ahaantana ay dacwadooda ay u gudbin doonaan Maxkamadaha dalka oo ay hada u qabsadeen garyaqaano,waxaana uu tibaaxay in uu aad ugu kalsoon yahay in ay maxkamadaha Somaliland-na ay si cadaalad ah ay ugu kala garqaadi doonaan dhinacayada is haya.