Aqoon Yahan Iyo Saxaafi Caan Ah Oo Loo Magacaabay Xoghayaha Guud Ee Kulmiye

1
849

 

xasamn

Hargeysa (Geeska)-Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye si ku meel gaadh ah ugu magacaabay saxafiga caanka ah ee Xasan Siciid Yuusuf, kaas oo buuxin doona jagadii uu ka geeriyooday Alla ha naxariistee Md Kayse Xasan Cige.

Md Muuse Biixi Cabdi wuxuu sidaas ku sheegay war saxaafadeed uu ka soo saaray xarunta xisbiga, “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE markii uu la tashaday Hoggaanka xisbiga, gudida fulinta iyo odayaasha xisbiga KULMIYE isagoo raacaya Qodobka 31-aad ee xeerka xisbiga waxa uu u magacaabay Xasan Siciid Yuusuf inuu noqdo Xoghayaha Guud xisbiga KULMIYE ee ku meel gaadhka ah.” Sidaas ayuu Muse Biixi ku yidhi qoraalkiisa.

Md Xasan Siciid Yuusuf ayaa saxafi caan ka ah dalkan Somaliland iyo weliba aqoonyahan da’ yar. Xasan Siciid wuxuu sannadkii 1987 ka qalin jebiyay jaamacadii Umadda ee dalkii Somaliya, gaar ahaan qaybta culuunta siyaasadda, waxa kale oo uu dhinaca culuunta saxaafadda shahaado kaga qaatay jaamacadda Indiana University ee dalka Maraykanka oo uu wax ka bartay isagoo Hargeysa ku sugan. Xasan Siciid waa saxafiga ugu xadhiga badan Somaliland, waxaanu intii ay jirtay Somaliland tacadi kala kulmay xukuumadihii kala dambeeyay, waxaana la xidhay 15 goor oo kala duwan, waxaanu ka mid yahay mulkiilayaasha iyo aasaasayaasha wargeyska caanka ah ee Jamhuuriya oo muddo dheer ka ahaa tifaftire guud.

Sannadkii 2004, ayaa wuxuu noqday saxafigii sannadkaas, waxaana abaal marintaas bixiyay Somaliland Forum, sannadkii 2002 ayuu sidoo kale helay abaal marintii nabadda oo ay bixiyeen jaaliyadaha dibadda ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaate Xasan Siciid oo xisbiga KULMIYE hore ugu xulay ka mid noqoshada guddiga doorashooyinka balse uu diiday Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la filayaa inuu dardar geliyo xisbiga KULMIYE isagoo adeegsanaya xirfadiisa iyo aqoonta uu bulshada u leeyahay.

 

Comments are closed.