Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirka Khaarajiga Ee Turkiga Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Maanta U Bilaabmaya Dalalka Somaliland Iyo Somaliya

2
699

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inuu wada hadalka Somaliland iyo Somaliya uu Axadan maanta dib u furmi doono.

Wada hadalka labada dal waxa wadanka Turkiga u jooga ergo ka kala socota Somaliland iyo Somaliya, kuwaas oo maanta geli doona wejiga labaad ee wada hadalka Turkiga uga furmay bishii April ee sannadkan. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa qoraal kooban oo uu ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku yidhi, “Wada hadalka Somaliland iyo Somaliya wuxuu dib u furmayaa Axada. Waxa jira waxyaabo ay tahay inay labada wadan ka wada hadlaan si ay u wanaajiyaan xidhiidhkooda.” Sidaas ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku idhi qoraalkiisa kooban.

Geesta kale, Wasiirka arrimaha dibadda wadanka Turkiga Axmed Davutoglu ayaa qiijiyay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ay dib u furmi doonaan, waxaanu intaas raaciyay inay dawladda Turkigu diyaar u tahay inay wada hadashiiso Somaliland iyo Somaliya si ay go’aan uga gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbal, waxaanu wasiir Axmed sheegay in Turkigu door muhiim ah ka ciyaarayo wada hadalkan Somaliland iyo Somaliya.

Wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya ay bishii April ku yeesheen wadanka Turkiga waxa laga soo saaray toddoba qodob, kuwaas oo ay labada dhinac kala saxeexdeen.

Comments are closed.