Madaxweyne Siilaanyo Iyo Suldaan Cumar Oo Isla Qaatay In Dib Loo Dhigo Tartankii Ciyaaraha Gobalada

0
582

cumarHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa go’aan ku gaadhay in dib loo dhigo tartanka ciyaaraha gobalada Somaliland oo mudaysnaa inuu 15-ka bishan January ka furmo magaalada Hargeysa.

 

Wuxuu Madaxweynuhu go’aankan la qaatay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax, oo shalay ula tagay qorshe uu ku doonayo in ciyaaraha dib loo dhigo, maadaama oo ay xaasaasiyad doorashadii ka dhalatay weli ka taagantahay degmada Axmed Dhagax. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Suldaan Cumar barqadii shalay Madaxweynaha ugu tagay qasriga madaxtooyada, waxaana la sheegay inuu u bandhigay hindise ah in tartanka ciyaaraha dib loo dhigo, kaas oo la sheegay in Madaxweynuhuna la qaatay ka dib markii dhinacyo badan wax laga eegay, wixii farsamo ah ee la xidhiidha wakhtiga dib loo dhigayona waxa la filayaa in lagu go’aamiyo shir Sabtida ku qabsoomi doona Hargeysa oo ay ka qayb geli doonaan wasaaradaha ciyaaraha, arrimaha gudaha iyo guddi kale.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Suldaan Cumar, lama sheegin waxyaabo kale oo la xidhiidha dhinaca siyaasadda oo ay ka wada hadleen, waxaana la sheegay in ujeedada kulanku ku koobnayd oo keliya dib u dhigidda ciyaaraha gobalada Somaliland. Kulankaas waxa goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada Booliska Gen. Cabdillaahi Fadal Iimaan, Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha hay’adda abaabul ka saarka qaranka Md. Jamaal Caydiid Ibrahim, Wasiirka ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Md. Mawliid Maxamuud Karaani iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).