Ciidamada Qaranka Oo Awood Ku Kala Dareeriyay Dadweyne Saylac Ka Sameeyay Mudahraad Salmi Ah Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Hawlgalkaas

0
598

 

yaabHargeysa(Geeska)-Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa awood ciidan ku kala dareeriyay dadweyne magaalada Saylac ka samaynayay mudaharaad salmi ah iyagoo isugu tagay xarunta dawladda hoose ee Saylac. Dadkaasi waxay ku doodayeen inay xaaraan tahay doorashadii deegaanka ee ka dhacday jiidaas iyo weliba doorashada maayarka cusub ee magaaladaasi.

 

Dadweynahan ayaa waxa subaxnimadii hore ee shalay kala dareeriyay ciidamada qaranka, waxaana hawlgalkaas ay ciidamada qaranku fuliyeen ku dhaawacmay tobaneeye ruux, waxaana ku dhintay hal ruux. Dadka dhaawacmay oo ay qaar ka mid ah xaaladoodu liidato ayaa loo qaaday cisbitaalada magaalada Djibouti ee dalka Djibouti.

Dadkan dhimshada iyo dhaawacu uu ka soo gaadhay mudaharaadka ayaa dhamaantood ah dad shacab ah, oo ka cabanayay  doorashadii golayaasha deegaanka ee magaaladaas ka dhacday oo ay ku tilmaameen mid aan xalaal ahayn, isla markaasna deegaanka lagaga riixanaayay.

Dawlada Jabuuti ayaa wakhti yar oo kooban xidhay xadkeeda dhanka Somaliland, inkasta oo markii danbe ay furtay,isla markaasna xaalada Saylac xalay ahayd mid degen.

Afhayeen u hadlay ciidamada qaranka Somaliland ayaa sheegay in sababta ay ciidamada qaranku dadkaas u kala dareeriyeen tahay Boolis la’aan  ka jirta jiidaasa.

Gudoomiyahii hore ee gobalka Selel Md.Maxamed Muuse Bucul oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kamid ahaa gudi soo abaabushay mudaharaadkaas isla markaasna si salmiya uga cabanaayay doorashadii magaalada Saylac ka dhacday, waxaanu sheegay in ciidamadu ay si badheedh ah dad badan oo shacab ah u toogteen. Waxaana kamid ahaa hadaladiisa  “ Waxaan kamid ahay gudidii hormuudka u ahayd  mudaharaadkaas, waxaana xarunta dawlada hoose isugu yimi dad boqolaal ah, halkaasna waxa noogu yimi muumulka gobalka iyo saraakiil, waxaanu u sheegnay in si nabadgalyo ah aanu diidmadayadii aan kaga soo horjeednay doorashada golayaasha deegaanka ee ay Saylac iyo Lughaya awalba xaaraanta ugu ahaayeen xukuumada oo aanu u dirnay ergo, iyad oo aan ergadii imana ay xukuumadu isku dayday dhawr jeer oo hore inay xildhibaano dhinac ah halkan ku dhaariso isla shalayna xil wareejin loo soo diray in lagu sameeyo dagmada Saylac, markaas saaka( Shalay )  xabad ayaa nagu waa bariisatay ciidan milatariya oo laba hurimood ah oo rasaas nagu furay waxaanay sababtay rasastaasu 12 qof inay ku dhaawacmaan, sidaas ayayna hawshaasu u dhacday.Waxa jira oo naloo soo sheegayaa in maadaama oo Saylac aanay ka jirin wax dhakhtar  lagu sheegi karaa waxaanu ula cararnay xadka Jabuuti ee dawlada Jabuuti ee aynu jaarka nahay oo dadka halkan jooga ay heladooda qaarkood ku soo qayliyeen waxaana naloo soo sheegay nin marka horeba ay xabadi kalida kaga dhacday inuu dhintay, dadkun waxay ahaayeen kuwo dhalinyaro ah intooda badan.”

Gudoomiyahii hore ee gobala Selel Md.Maxamed Muuse Bucul oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Waxaanu horfadhinay oo xalayba aanu u hoyanay goobtaas dawlada hoose horteeda rag iyo dumarba  halkii ayuun baana rasaasta laga bilaabay, mudaharaadkaasuna waxa uu ku salaysnaa Saylac doorashadii ka dhacday oo si xaaran ah ku dhacday ilaa hadana waxa yaala Saylac saxaaradahii  oo khaladaad badan ayaa jira, waxanay wajiga ku haysay farogalin xukuumada Siilaanyo ilaa madaxweyne ku xigeenku ay si toos ah ugu soo waajaheen, in beel meesha dagan ay beel kale uga wareejiyaan, kolka hurana damac meesha iska yaalay ayay ahayd xukuumadaas xubno ku jiraan waa ay ka danbeeyeen.”

Rabshadaha iyo isku dhacyada ka taagan magaalada Saylac ayaa salka ku haya cabashooyin dhanka doorashadii galayaasha deegaanka ah, taas oo qaybo kamid ah dadka deegaanku ay ku eedeeyeen xubno kamid ah xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo inay ku shubteen doorashadii deegaanadaas ka dhacday, isla markaasna ka danbayso ujeedo dhanka deegaanka ah.

Magaalada Saylac maaha magaaladii u horaysay ee ay doorashadii deegaanka darteed dad shacab ahi ugu geeriyoodaan, waxase ka horeeyay magaalooyin kale oo ay ka mid tahay caasimadda Hargeysa.

Doorashadaas golaha deegaanka oo ah tii u horaysay ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dalka ka qabto, waxa muuqata inay dad muwaadiniin ah oo ay tiradoodu tahay lix ruux ku dhinteen, dhaawac badanina uu jiro,  halka afartii doorasho ee uu qabtay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin aanay ciddi ku geeriyoon, waxaanay madaxdii ammaanka ee dawladii Daahir Rayaale Kaahin doorashooyinkaas ku tilmaami jireen kuwo aanay deerana deero hirdiyin.