Madaxweyne Siilaanyo Iyo Shirkada Genel Energy Oo Isfaham Guud Gaadhay

0
623

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta shirkaddii Sahaminta shidaalka ka waday gudaha Somaliland ee GENEL ENERGY.

Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa wada shaqayntii buuxday ee ka dhexaysay dawladda Somaliland iyo shirkadda GENEL ENERGY, kulankaana waxaa si weyn la isugu afgartay waxyaabahii la isku afgartay.

Markii kulankaas dhamaaday waxaa si wada jir ah saxaafadda ula hadlay Wasiirada wasaaradaha arimaha dibada, macdanta iyo tamarta iyo maamulaha shirkadda GENEL ENERGY Mr.Tony Haward, waxana ay si rasmi ah daboolka uga qaadeen in shirkadaas dhinaca sahaminta shidaalku ay si joogto ah dalka uga sii wadi doonto hawlihii dhinaca sahaminta ee ay wadday.

Picture5Md.Xuseen Cabdi Ducaale Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wadahadaladii midho dhalka ahaa ee u socday dawladda Somaliland iyo shirkadaas ay guul ku soo gebageboobeen dibna ay u sii ambaqaadi doonto shirkaddu fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Mr.Tony Haward madaxa shirkadda GENEL ENERGY oo isna halkaas hadal ka soo jeediyey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dib ugu soo noqoshada Somaliland, shirkaduna ay dib u bilaabi doonto hawlihii dhinaca sahaminta shidaalka ee ay ka waday dalka.Madaxa shirkadda GENEL ENERGY waxa uu sheegay inuu aad u soo dhoweynayo is afgaradka dhexmaray shirkadiisa iyo dawladda Somaliland iyo kulanka ay maanta la yeesheen madaxweynaha Somaliland oo uu ku tilmaamay kulan muhiim u ahaa labada dhinac.

Ugu dambayntiina Wasiirka wasaaradda Arimaha dibadda Md.Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ballanqaadayso wada shaqayn buuxda oo ay la samayn doonto Shirkaddan GENEL ENERGY ee ku hawlan sahaminta shidaalka ee Somaliland.

Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirrada Arrimaha dibada, macdanta,Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.