Guddoomiyaha Guddiga Wadada Cad Oo Ka Hadlay Halka Uu Dhismaha Jidkaasi Marayo

0
537

Picture4Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha gudidda mashruuca dhismaha wadada cad Md. Cali Ibrahim Maxamed (Cali Sanyare), ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlaayo halka uu maraayo dhismaha wadada cad oo uu sheegay in si dhaqso ah loo bilaabayo loona dardar galinaayo hawlaheeda. War saxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan.

“Wadooyinku waxay ka midyihiin kaabayaasha dhaqaalaha ee u ah lagama maarmaan kobcinta dhaqaale iyo horumarinta dalka. Kharashka lacageed ee ku baxa dhismaha wadooyinka way culusyihiin.Sababtaas awgeed, ayaanay wadanada dhaqaalahoodu soo korayo ee qaaradaha Afrika,Eeshiya iyo Latiin Ameerika  aanay, inta badan, awoodi Karin, dhaqaale ahaan, dhismaha wadooyin dhaadheer.Taaso ugu wacan dibudhac dhaqaale ee dalalkaas haysta iyo wadooyin xumaanta.

Markaas waa la garan kara dhibaatooyinka ka haystay arrintan xukumadihii kala danbeeyey ee Somaliland oo ah dal aan weli la ictiraafin, kana faa’iideysan Karin labada siyoobood ee loo helo kaalmo lacageed oo ku filan dhismaha wadooyinka.Kuwaas oo kale ah in deyn laga soo amaahdo bankiga adduunka (World Bank) ama bananka ganacsiga caalamiga ah (International Commercial Bank) ama deeq lacageed oo laga helo wadanada hodanka ah.

Rabitaanka shacbiga Somaliland ee ahayd in la helo wadooyin casri ah oo isku xidha magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka waxa markaas bilaabay isku-xilqaantooda bulshooyinka deeganada qaarkood, iyagoo la kaashanaya xukumada.Wadooyinka sidaas ku bilaamay waxa ka mid ah wadada isku-xidhiidhisa Dila iyo Borama,wadada Dawga cad ee waqooyiga Hargeysa, kuna xidhiidhineysa Hargeysa Bada Cas,wadada cad ee Hargeysa/Salaxley/Ina-Guuxaa ee konfurta Hargeysa ka socota iyo wadada Oodweyne/Burco/Hargeysa.

Waxa hadda ku soo biirtay wadooyinkkaas, wadada Burco/Ceerigaabo iyado olololaheedu  xukumadeysanyahay halka kuwa kale ay bulsheeysanyihiin, taaso laga yaabo in wadadan cusubi saameyn togan iyo mid taban ku yeelato habsami-u-socodka wadooyinkii ka horeeyey haddii aanay qaadan-ururinta loo mideyn wadooyinka dalka ka wada socda, bacdama qaadhaanka hadda socda ay ka wada qaybgelayaan dhamaan bulshada Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga.

Dhismaha wadada Burco iyo Ceerigaabo isku-xidheysa waa mashruuc qadarintiisa mudan oo muhiim ah marka laga eego kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka iyo isku-xidhnaanta bulshadeena degan bariga dalka intiisa kale oo runtii wado la’aantu ina kala fogeyn gaadhay xag walba.Wadooyinkaas bulshadu wado oo ku socda qaadhaanka bulshada degaanadaas u dhashay iyo muxsiniin kale oo ganacsato Somaliland ah waxay marayaan heer wanagsan oo ku dayasho mudan.

Tusaale ahaan aan u soo qaato wadada cad (Hargeysa/Salaxley/Ina-guxaa) ee aan aqoonta u leeyahay. Waxa la dhameeyey wajigii kowaad ee mashruuca oo ahaa Hargeysa/Toon, oo dhererkeeduna ahaa 13 kiloomitir oo ay ku baxday miisaaniyad dhan $ 639,636 ( lix boqol iyo sagal iyo soddon kun iyo lix boqol iyo lix iyo soddan dolaar) boqolkiiba 99.90% karashka ku  baxay wajiga kowaad ee mashruuca waxa laga ururiyey bulshada deegaanka u dhalatay.

Hadda waxa la dhameeyey qorshihii wajiga labaad ee mashruuca (Toon/Qoolcaday) oo dhererkeedu yahay labatan kiloomitir (20km) shanta kiloomitir ee ugu horreeya xukumada Somaliland aya bixineysa kharashka ku baxaya. Shan-iyo –toban  kiloomitir ee hadhsan waxa lagu qiyaasay inay ku bixi doonto lacag dhan $ 830,000 ( sideed boqol iyo soddon kuun oo dolaar).Sida qorshuhu yahay, waxa la israacin doona marka hore shanta kiloomitir ee xukumaddu balanqaaday iyo toban kiloomitir oo kale oo bulshada deegaanku ay ku dari doonto. Hadda wixii u qabsoomay wajiga labaad ee mashruuca iyo hawlaha socda waxay kala yihiin sidan soo socota:

Waxa la dhameeyey caratuulkii loo baahna ee labatanka (20km) kiloomitir.

Waxa la haya daamur dhan 1400 foosto. oo looga baahanyahay dhismaha toban kiloomitir.

Guddiyadii qaadhan-ururinta ee dalka gudihiisa waa la hawlgaliyey iyo qaar ka mid ah kuwii dalalka dibedda ugu misaanka weyn.

 

Waxaa la rajeynaya in dhismaha wajiga labaad ee wadada cad la bilaabi doon si-is- dabajoog ah oo kal go’ lahayn, markii qaadhan-ururinta dhawaan soo wada ururto.”