Golaha Guurtida Oo Saaka Isugu Yeedhay Golaha Wakiilada Iyo Qodobada La Filayo Inay Ka Soo Saaraan Khilaafka

0
684

Picture6Hargeysa(Geeska):-Ergada golaha guurtida ee dhex-dhexaadinaysay khilaafka aqalka golaha wakiilada Somaliland ee todobaado ka hor sababay mudaharaado keenay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka 10-ka subax-nimo la filayaa in ay ku dhawaaqaan go’aankoodii ay ku dhex dhexaadinaayeen khilaafka labada dhinac.

Ma jiraan illaa hada warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca ergada golaha guurtida ee dhex dhexaadinaysa khilaafka aqalka wakiilada Somaliland,balse sida ay ila wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegaya in ergadu ay khilaafkan ku dhex dhexaadinayso in la sii adkeeyo go’aamadii ay guurtidu hore uga soo saartay khilaafkii aqalka wakiilada bishii 18/02/2014-kii ee ku saabsanaa khilaafkii ka dhashay isku shaandhayntii uu guddoomiye Cirro ku sameeyey guddi hoosaadyada aqalka golaha wakiilada.ee xalkii laga gaadhay ahaa in aan wax mooshin xil ka xayuubin shir-guddoonka aqalka golaha wakiilada ah aan marnaba la keenin aqalka golaha wakiilada inta ka hadhay wakhtiga doorashada laga gaadhayo iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen inay xubnaha shirguddoonku is dhinac fadhiistaan. Taas oo uu macnaheedu yahay in la laalo mooshinka guddomiyaha ka dhanka ah ee khilaafka abuuray.

Wararku waxa kale oo ay tibaaxayaan in ergadu ay sida oo kale ay go’aan dhex dhexaadineed ay ku gaadhay wixii khaladaad ah ee ku jira xeerka diiwaan galinta codbixiyeyaasha Xeer:No/37 ay laga saaro, sida oo kalena ahaa xeerkii ay guurtidu ay hakadka hore u galisay iyaga oo wakhtigaas sheegay in khaladaad uu ku jiro. Sidaas daraadeedna ay dib ugu soo celiyeen guddoomiyaha golaha wakiilada si uu uga soo saaro khaladaadka ay guurtidu sheegtay in uu ku jiray.balse uu guddoomiye Cirro sheegay in aanay jirin wax khaladaad ah oo ku jira xeerkaas.isla mar ahaantaana ahaa xeerka xudunta u ahaa muranka siyaasadeed ee ka dhex qarxay aqalka wakiilada Somaliland.

Guurtida ayaa saaka xildhibaanada isugu yeedhay aqalkooda oo ay kaga dhawaaqi doonaan go’aankaas oo la filayo inuu noqdo mid dhinac walba raaligeliya.

Go’aankan la filaayo in ay guurtidu ay ku dhex dhexaadiso khilaafka aqalka wakiilada ayaa imanaya ka dib markii ay maal mahii u danbeeyey Ergada guurtidu ay kulamo gooni gooni ah ay la yeelanaysay dhinacyada khilaafka aqalka wakiiladu uu ka dhaxeeyo.Waxaana ay ila wareedyadu ay intaas ku darayaan in xildhibaanada guurtida iyo kuwa wakiiladuba ay fadhi wada jir ah ku yeelan doonaan xarunta aqalka golaha guurtida Somaliland.isla halkaasna lagaga dhawaaqi doono go’aanka ay guurtidu soo gaadhay.