Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilka Ka Qaaday Agaasime Guud, Kuwo Kalena Ku Sameeyay Isku Bedel Iyo Magacaabis

0
680

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay isku bedel, xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyay qaar ka mid ah agaasimayaashiisa guud ee xukuumadda.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xarunta Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Axmed Saleban Dhuxul, wuxuu Madaxweynuhu isku bedelay afar agaasime, waxaanu magacaabay agaasime guud oo cusub. Inkatoon warsaxaafadeedka lagu sheegin wuxuu haddana Madaxweynuhu xilka ka qaaday agaasimihii guud ee wasaaradda khaarajiga Maxamed Xasan Siciid oo jagadiisa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq).

Warsaxaafadeedka madaxtooyada ayaa u qornaa sidan “Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid uu ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland.

 madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo in isku beddel iyo magacaabid lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 Isku bedelka

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

 In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 In Mudane, Maxamed Xasan Ibraahin, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 In Mudane, Saleebaan Jaamac Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.”