Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Budhcad Badeeda Somaliland Lagu Soo Wareejiyey Iyo Shacabka Oo Ku Tilmaamay In Cadaawad Loo Abuurayo Ganacsiga

1
635

Henry-BellinghamNairobi, (Geeska/British Office)- Wasiirka xukuumada Ingiriiska u qaabilsan Africa, Henry Bellingham ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo iskaashiga u dhexeeya dawladaha gobolka iyo beesha caalamka, waxaanu sheegay inuu rajaynayo  in mustaqbalka dhow budhcad badeed kale la soo wareejin doono.

Henry Bellingham ayaa sheegay in soo wareejintan budhcad badeedku cadaynayso talaabo hore loogu qaaday sidii cadaalada loo keeni lahaa.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Henry Bellingham ayaa sheegay, “Inuu soo dhoweynayo soo wareejinta 17-ka budhcad badeed Soomaali ah oo lagu xukumay Seychelles si ay ugu dhamaystaan xabsigooda jeelka Somaliland”.

 “Muddadii shirkii London socday, Somaliland waxay heshiis ah la galeen dalka Seychelles sidii loogu soo wareejin lahaa budhcad badeedka xukuman jeelasha Somaliland. Barnaamijkan wareejinta budhcad badeedku waxay cadaynayso talaabo hore loogu qaaday sidii cadaalada loo keeni lahaa.

Waan soo dhoweynayaa iskaashiga u dhexeeya dawladaha gobolka iyo beesha caalamka, waxaan rajaynayaa in mustaqbalka dhow budhcad badeed kale la soo wareejin doono, si ay u maraan loona ilaaliyo waddada cadaalada, una dareemaan budhcad badeedku in loo raaci doono denbiyadooda.”

Geesta kale shacabka Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiska ay Somaliland la gashay dalka Seychelles, kaas oo ay ku tilmaameen inuu godob u soo jiidi doono ganacsiga Somaliland ee dhinacyada badda iyo bariga. Fulinta heshiiskan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay budhcad badeeda Puntland haysato markab u rarnaa ganacsatada Somaliland.

Comments are closed.