Madaxweyne Sharraxay Faa’idada Uu Guurka Dhowrka Xaas Ragga U Leeyahay Iyo Taladiisa Guur Doonka

0
908

Grozny (Geeska)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Jeejniya Ramadaan Qadiiroof, oo lagu yaqaanno in uu hadba keeno fikirro diini ah oo dareen iyo doodo kulul bulshada ka dhex abuura. Madaxweyne Qadiiroof oo aaminsan dariiqada Suufiyaddu waxa uu inta badan isu dhigaa muftinimo waxa aanu ka fatwoodaa arrimo xasaasi ah oo marar badan doodo iyo muranno abuura.

Madaxweyne Ramadaan Qadiiroof oo ka hadlay guurka badan ayaa sheegay in uu leeyahay faa’idooyin badan oo dhinaca sharciga iyo caafimaadka labadaba ah, waxaana ka mid ah in uu ninka ka ilaaliyo xanuunnada galmada laga qaado oo inta badan ku dhaca dadka sinada dhaqanka ka dhigtay. Madaxweyne Qadiiroof ayaa mar uu arrimahan uga waramay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay, waxa uu sheegay in guurka badani ninka ka caawiyo in uu beenta iska daayo, waxa aanu sheegay in diimaha aan Islaamka ahayn ee ninka u ogol guurka gabadh keliya, in ay marar badan sabab u noqoto khiyaamo iyo been in uu ku kaco.

Madaxweyne Qadiiroof waxa uu hadalkiisan ku soo xidhay talo uu u jeedinayo ragga muslimiinta oo ah in ay guursadaan dumar badan laakiin iska ilaaliyaan, tumashada, iyo jid kasta oo sino u horseedi kara, “Iska jir xidhiidh kasta oo xaaraan ah, oo Alle ka cadhaysiiyaa, sababna u noqda xanuunno iyo mushkilado qoys” Ugu dambayntii madaxweyne Qadiiroof uu ka dhawaajiyey in shardiga muhiimka u ah guurka dumarka badani uu yahay in ninku uu isku hubo in uu u xaq-soori karo labada xaas ama xaasaska iyo in uu dhaqaale ahaan awoodayo daryeelka qoyskiisa ama qoysaskiisa hore.

Madaxweyne Ramadaan Qadiiroof oo dhashay 1976kii, waxa uu hore uga tirsanaa jabhadihii u dagaalami jiray gooni goosashada Jeejniya, laakiin markii dambe isaga iyo ciidankiisu waxa ay isu soo dhiibeen Ruushka, aakhirkiina sannadkii 2007dii ayaa uu madaxweyne ka noqday jamhuuriyaddaas Ruushka Federaalka kula jirta ee Jeejniya, xilligaas oo ay da’diisu ahayd 31 sano jir keliya.