Hargeysa (Geeska)- Sida badankeennu aynu ka war qabno, Juxa waxa uu ahaa shakhsiyad lagaga waramo sheeko dhaqameedyada carbeed, oo in kasta oo aan taariikh dhab ah loo hayn haddana la aaminsan yahay in uu lahaa arrimo shakhsiyadda ninka ceeb ku ah, sida fulaynimo, bakhaylnimo iwm, laakiin dhinaca kalana ah hadalyaqaan xikmad badan, taas oo ceebtiisaa asturi jirtay.
Juxa dhaqanka Carabta waxa uu ugu jiraa kaalinta Cigaal Shidaad kaga jiro taariikhda Soomaalida. Aad ayaanay taariikhda sheeko-baraleyda Carabtu isugu khilaaftaa nooca shakhsiyaddiisa, sida in uu ahaa, fulay iyo in uu Geesi ahaa, in uu nin maskaxbadan ahaa iyo in uu doqonniimada hoy u ahaa, in uu fiiro-dheeraa iyo in uu maangaab ahaa; Mid kasta oo uu yahayba waxa hubaal ah in Juxa uu leeyahay qisas badan oo aragtida duleed qosol iyo maadays badan leh, laakiin ciddii xikmad ruug ahina haddii ay hoos ugu dhaadhacdo ay ka helayso xikmad iyo aqoon badan. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah qisaska maadayska ah ee Juxa.
1.Dadka waalan:
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa koox ka mid ah dadkii ay Juxa isku deegaanka ahaayeen hasaawe wadaaggna ay lahaayeen waxa ay dooneen in ay Juxa weydiiyaan su'aal ay u qarinayaan ujeeddo kale oo ah in ay duraan fariidnimadiisa.
– "Juxoow waxa aad mid mid u tirisaa dadka waalan ee tuuladeenna ku nool?" Ayaa ay weydiiyeen.
Juxa markiiba waxa uu weydiiyey in su’aasha la weydiinayaa ay tahay imtixaan iyo in garaadkiisa laqiyaaso, si uu saaxiibbadii u tuso in uu fahamsan yahay halka uu hadalkoodu daarran yahay, ayaa waxa uu siiyey jawaab xikmadaysan oo xambaarsan isla ujeedada ay su’aashoodu ku fadhiday, waxa aanu yidhi, “In aynu tirinno dadka waalan ee tuuladeennu waqti badan ayey innagu qaadanaysaa oo waa ay badan yihiin, laakiin waxa fudud oo aan idiin tirin doonaa inta caqliga leh ee tuuladeenna joogta" jawaabtani waxa ay nin kasta ku qasabtay in uu Juxa xod-xoto si uu ugu riixo in uu magaciisa ku soo daro liiska dadka caliga badan ee uu sheegi doono.