Dawladda Itoobiya Oo Faahfaahisay Qodobo Muhiim Ah Oo Ay Ka Wada Hadleen Siilaanyo Iyo Hailemariam

0
509

Picture2Hargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixisay kulan Isniintii doraad ku dhex maray magaalada Addis Ababa ee Itoobiya hoggaamiyayaasha Somaliland iyo Itoobiya Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Hailemariam Dessalegn.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa shalay baahisay inay labada hoggaamiye ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya. Wakaaladu waxay sheegtay inay Somaliland iyo Itoobiya isku raaceen inay wada jir uga shaqeeyaan nabadgelyada gobalka iyo horumarintiisa.

Waxa ay wakaaladda wararka Itoobiya intaas raacisay inay labada hoggaamiye isku raaceen in wada jir loola dagaalamo kooxda Al-Shabaab. “Waxa kale oo ay ka wada hadleen suurtogalnimada in wada jir loo horumariyo jidka Berbera (Berbera corridor), iyadoo Itoobiya danaynaysa isticmaalka dekedda Berbera.” Ayay tidhi warbixinta wakaaladda wararka Itoobiya oo intaas raacisay, “Jidkan [jidka Berbera] ayaa la sheegayaa in dhaqso loogu xidhi doono magaalada Diridhaba. Dhabaha tareenku marana waxa la gaadhsiin doonaa dekedda.”

Wakaaladu waxa kale oo ay sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo uu kulankaas ku tilmaamay mid guul ku dhammaaday oo lagu xoojiyay danaha guud ee labada wadan. “Wada hadaladu waxay ahaayeen kuwo midho dhal ah.” Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo sida ay wakaaladu xustay.