Cabdicasiis Samaale Oo Meesha Ka Saaray Inuu Is Afgaran Waa’ Soo Kala Dhex Galay Madaxweyne Muuse Biixi

36
3090

Hargyesa(Geeska)-Wasirikii hore ee maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa beeniyay inay is khilaafeen madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, waxaanu taas badalkeeda sheegay inuu garab tagan yahay madaxweynaha.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo u waramayay tilishishanka Eryal waxa uu su’aal laga waydiiyay inay is khilaafeen madaxweynaha la doortay uu kaga jawaabay”Waa wax lagu qoslo maalintii komishanku uu ku dhawaaqay natiijada goobtii uu kaga dhawaaqay ayaanu joognay aniga iyo hoggaanka xisbiguba, hanbalyada halkaas ayaan ka diray intii dabadeedna wax hadal ah maan sheegin, waad iska ogtahay oo saaxada iyo dadka dhalinyarada ahi been abuurka ayaa iska badan, qofka aadamaha ahi haddii aanu xishoonayn waxuu doonaba waa uu sameeyaa, meel aan kaga hadlay madaxweynuhu ma jirto hanbalyada aan u diraayo sidaasan ugu dirayaa dadkii hawshan wax kala qabtay ayaan ka mid ahaa  intayadii la qabatay iyo intii codka siisayba waanu u ducaynaynaa, waanan hanbalyaynayaa sabab aanu isku qabsano iyo sabab kale  toona meesha ma taalo.”

Samaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Maanta Somaliland waxay taagan tahay marxaladii madaxweynaa la doortay kii  ka codeeyay iyo ku u codeeyayba gacmaa inta lays qabsado wax la’la qaban lahaa ee la’la qaban lahaa waxii Somaliland u dan ah. Barahan bulshadu ku kulantaana imika dhulgariir ayay noqdeen dadka sida xun u adeegsanaaya ayaa badan, waxaasina in la yidhaahdaa ma fiicna, waa war aanu waxba ka jirin oo aan waxba I yeelayn, qofka baraha bushadu ay ku kulanto galiyay warkani maanta marka uu warkayga maqlo maxuu yeeli doonaa, inuu qofku aakhiradiisa u tudhaabaa wanaagsan, waanu barbar taaganahay oo dadkii u olloleeyay ayaanu nahay,kuwii dhisay ayaanu nahay sidii ayaanu imikana u barbar taaganahay, waxaanu ka filaynaana xukuumad cusub oo tayo leh oo kooban inuu dhiso, go’aankaas umadu filayso uu noqdo qof go’aankaas leh, waxyaabahaas dadkeena ragaadiyay ee dhulalka laysku haysto iyo waxyaabahan kii wax ka qabanaayay uu noqdo, ee umaddan cadaalad wanaagsan u horseedi lahaa, taas ayaanu u rajaynaynaa.”

Mr. Samaale, wuxuu bogaadiyay Madaxweynaha la doortay, waxaanu sheegay inay wararkaas faafiyeen dad uu sheegay inay ka xunyihiin guusha uu KULMIYE gaadhay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here