Ingiriiska Iyo Imaaraadka Oo Lacag Xadi Badan Ugu Deeqay Dawladda Somaliya

0
502

 

Picture3Dawladda UK iyo dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay lacag dhan £2 milyan oo Soomaaliya la siinayo si wax looga qabto dhibaatada kufsiga ee goobaha colaadda Soomaaliya.

Deeqdan ayaa waxa si wadajir ah ugu dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain William Hague iyo Wasiirka Arrimah Dibedda ee Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdallah bin Zayed al-Nahyan.

Lacagtan ayaa waxa lagu heshiiyay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta uu ku tagay UK, Sheekh Khalifa bin Zayed al-Nahyan, taasi oo ku soo beegan tay ka hor shirka magaalada London ee caalamiga ah ee Soomaaliya oo la qaban doono 7 May, kaasi oo looga doodi doono dhibaatada haweenka kufsiga lagula kaco, waxaana sidii looga hortagi lahaa ay noqoneysaa mid ka mid ah ahmiyadaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda UK.

Hadal qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda ee Britain ayaa lagu sheegay in dowladda federalka ee Soomaaliya ay si cad u sheegtay inay ka go'an tahay inay horumariso nolosha haweenka Soomaaliya, iyada oo ka hadleysa dhibaatada kufsiga iyo sidii loola dagaallami lahaa isla markaana caddaalad loo horkeeni lahaa ku dambiyadaasi xun geysta.

Lacagta labada milyan ayaa waxaa hal milyan bixinaya UK, halka tan kale ay bixineyso UAE waxaana ay ka caawin doontaa dowladda federalka, arrimo ay ka mid yihiin tababaro, awoodda oo la dhiso, iyo talooyin ka soo bixiyaan koox khubaro ah oo Qaramada Midoobay ka soocota oo booqaneysa dalkaas Somaliya sanadkan dhammaadkiisa.