Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada Oo Ka Hadlay Baadhitaanada Hantidhawrka

0
779

Picture1Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Md.Saleeban Jaamac Diiriye, ayaa daboolka ka qaaday in baadhitaanada hantidhawrku ay daba socdaan dhukumatiyadii been abuurka ahaa ee laga helay madbacada qaranka, waxaanu daboolka ka qaaday in badankooda  baadhitaanadaas ay wasaaradoodu dalbatay ka dib markii kastamka Bebera ay ka soo baxeen tuhuno la xidhiidha  dhukumatiyadii been abuurka ahaa ee laga helay madbacada qaranka.

Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu waxa uu sidan ku sheegay  isaga oo warbaahinta la hadlaayay, waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay sidan  “ Wasaarada maaliyadu waxay leedahay intaan odhadkaba la gaadhin waax la yidhaahdo waaxda baadhista oo iyadu dhukumatiyada cashuurta lagu qabto iyo lacagta la qabto ilaalisa oo aan  kormeerkeeduna saacado ku xidhnayn ee meeshay wax ku tuhmaan markiiba soo baadha.  Waxa jirta in waaxdayadaasu ay meelo wax ku tuhmeen ay ka mid tahay waaxda cashuuraha bariga Berbera oo maamulkii joogay Berbera ayaa war ka soo baxiyay in khaladaad ay jiraan oo wasaarada ayay u soo gudbisay,  markaas wasaaradu odhadka ayay la shaqaysay walina nuxurkeedii  nama soo gaadhin, laakiin waaa arin ay wasaaradu iyadu odhadka ka codsatay inay la baadhaan.”

Agaasimaha guud isaga oo arinkaas ka sii hadlaaya waxa uu yidhi “ Waxa jirta arin kale oo dhanka madbacada ah oo dhukmatiyo oo been abuur ah oo la sameeyay mar haddii dhukmatigaasu uu jirana macnaheedu maaha Wajaale ayaa lagu isticmaalaa ama Kala-baydh markii aanu ogaanay inuu dhukmatigaasu jiro odhadka ayaanu u gudbinay markaas labadaas arimood ee meesha socdaaba waa arin wasaaradu waday oo ay odhadkana kala kaashatay. Mar haddii dhukmati-been abuur ah la helayna in goobahii dakhliga ee dalka laga isticmaalo waajib ayay ku tahay inay soo baadhaan meelkasta oo ay tagaana maaha waalagu isticmaalaa balse waa baadhitaan uun odhadkuna shaqadiisa isaga ayaa u madaxbanaan.”

Hadalka agaasimaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo hantidhawrka  guud uu  baadhitaan ku sameeyay kastamada Berbera,Wajaale iyo Kala-baydh, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dad laga xidh xidhay kastamadaas lagu tuhunsan yahay dhukmatiyada been abuurka ah ee laga helay madbacada qaranka.