Madaxweyne Nagama kaa qabato inaad farriimaha noogu soo dhiibto wasiirkaaga madaxtooyada, By: Axmed Negaashe, Nayrobi

28
743

 

Aan ku bilaabo baafin aan isleeyahay ha gaadho madaxwaynahaaga illayn isaguun baa kaa bogsiin kara baylahdiisa kuu muuqata waxa uu kaga baaqdee. Siilaanyo, sayidii, madaxweyne ku mee?!

 Maqaalkani, madaxwayne, wuxu ka dhashay dhacdo aan  u qaatay inay tahay dhaleeco wayn oo adiga, aniga iyo Qarankaba lagu dhajiyay. Haba dhacdee si aan u fahmo in aanay ahayn qalad ula kac ah, ma aan  maqal  in aad adigu si toos ah ugu igmatay in qof kale qabto hawl adiga kuu gaar ah, hadii aad  nagu war galin lahayd  waxaanu fahmi karno oo aan adna ceeb ku soo jiideen bay noqon lahayd, nasiib darrose may dhicin. Hal ku seegay uun dheh!

Golaha Wakiilada ayaa waxa ay u yeedheen  wasiir ka tirsan  xukuumadaada si ay wax uga waydiiyaan  hawlaha wasaaradiisa. Waa sunnaha dawladeed  hase yeeshee in wasiir  hawl aan loo igman ka warramaa waxay muujinaysa laba arrin: aqoon la’aan, qab iyo talada adeero oo lagu takri falo, ta labaadna waa in aanad xil  iska saarin  hagida dalka iyo hawlaha aanu kuu doorannay.

Aqoon la’aantu waa ta wasiirkaaga madaxtooyada ku dhiirri galisay in uu maroorsado hadal aan adiga kaa sugayay oo ah in warbixin guud oo faahfaahsan  laga siiyo Baarlamaanka xaalada dalka ka jirta. Dhaliishaydu kuma socoto nuxurka hadalka “sabiga madaxtooyada” waase sababta adiga oo aan u igman uu isu siisay.  Wuxu isku kaaqaday inuu ka warbixyo dhamaan hawlaha wasaaradaha dalka  taasoo  u marag furtay garasho la’aan  iyo aqoon darro ka haysa hanaanka dawladeed, waayo hadii uu yahay qof inuun wax ku duuganyihiin kuma uu dhiiradeen inuu rag dhiggii ah hawshooda isku mooso. Mase laga yaabaa, madaxwayne,  in aanu  isagu eedba lahayne uu la soo dhex fadhiistay golaha dhaqan madaxtooyada ka jira “Dawladda inagaa leh” ilayn sabi dhaqanka gurigooda yaal uun buu dadka la soo dhex galaaye?  Ma ihi looyar, waxanse is leeyahay hadii sharcigu u fasaxayo wasiir inuu sidaa u dhaqmo, madaxwaynaha uun buu awooddiisa ka xayuubinayaa oo aan ku haboonayn inuu talada hayo illayn sharcigu isma buriyee!

Madaxwayne hadii aad  doonayso in aad  hadalka adiga aanu kaa sugayno cid  noogu soo dhiibto, miyaanay qurux badnayn in aad si cad ugu soo igmato oo aad tidhaa hebel oo magacayga ku hadlayaa dadka u tabinaya fariintayda? Siilaanyo, sayidii, dee hal aad garan wayday maahee maxaa si ah? ma laga yaabaa  in aan haatan rumaysto hadal aan in badan diidanaa oo ah “Sayidku wuu hurdaaye sabigaa sawirkiisa ku shaqeeya”.

Wax lala yaabo maahee madaxwayne, hadii ay aqoon la’aani hayso wasiiradaada, miyaanay haboonayn in aad dalalka aynu xidhiidhka sokeeye  leenahay u dirto si ay aqoon korodhsi xaga maamulka  iyo milgaha dawladnimo ah uga soo korodhsadaan? Maxaa diidaya in aad min lix bilood oo keli ah tidhaa tababarro soo qaata? Mise waxaad doonaysaa inay buugga taariikhda kuu gasho “Siilaanyihii dadka wada simay?”. Sayidii maalmo dhawr ah baa ka danbeeyay maalintii arrintaasi dhacday, sida ii muuqatana uma aragtid wax dhaliil ku ah shakhsiyaddaada iyo taayada aad  matasho, billaahi calayk, bal si fiican u dhuux oo dhadhanso  sifihii  wasiirkaagu hadalkaa u  jeediyay oo hal ku seegay qiro ama hal na seegay noo sheeg!

 

Dhacdadan silloon waxa isna ka qayb qaadanayay gudoomiyaha Baarlamanka mudane, Cabdiraxmaan Cirro oo aan isleeyahay laba arrimood buu  uga dan lahaa:  ka faa’idaysi siyaasadeed oo ah inuu muujiyo sida  Siilaanyo aanu  u  ilaashan karin awoodiisa iyo karaamada shakhsiyadiisa oo la gaadhay goortii dadku taageerada kala noqon lahaayeen iyo, ka fursan wayday inaan idhaa e, kursi caabud  iyo kaba leefnimo oo uu kaba haybadaysanayey sabiga siilaanyo oo aanu qudhiisu garanaynba qiimaha uu dalka ku leeyahay!

Markii “sabiga madaxtooyadu” yimid golaha ee uu doonayay inuu hadalka u jeediyo gudoomiye Cirro wuxuu ku furay kulanka oo ku soo dhaweeyay hadalkan “ waxaan wasiirka ugu yeedhnay xog ogaal u noqoshada xaalada  guud ee dalka, ka dibna mudanayaasha waxa la siin doonaa su’aalo inay waydiiyaan wasiirka. Waxan ku soo dhawaynayaa wasiirka madaxtooyada jamhuuriyada somaliland”  Hadalkan aan waadixa ahayni wuxu muujiyay in Cirro qudhiisu ka mid yahay kooxda bayd gaabyada ah ee dalka camaalaqaysa! Sidee ayay suurto gal u tahay in xaalada guud ee wadanka laga warayso wasiir ka mid ah xukuumad madaxwaynaheedii xay yahay? Cirraaa sheegi!

Waxa layaab kale noqotay in aanu mar qudha ka dhex galin hadalka si uu ugu sheego in wasiirku ku koobnaado hawsha wasaaradiisa oo keli ah. May dhicin,  inankii madaxtooyaduna wuxu si faahfaahsan, waa siday  la ahayde, uga waramay xoolihii adeerkii iyo xaaladooda guud!  Ku darsoo, waa siday dadku yidhaahdaane sakhiifiintii barlamanka fadhiday,  waabay u sacab tumeen. Waxay ku dhiirri galiyeen in inanku si dhab ah u aqbalo in Somaliland tahay sida odaygu ugu sheegay!

Siilaanyo, sayidii, mid kale aan ku xusuusiyee  maxaa kallifay in muwaadin aan xil qaran haynini uu ka mid noqdo wufuuda dawladaada ee safarrada rasmiga ah u baxaya? Sideed ku doonaysaa  madaxwayne in aan kaaga rumaysano in sirta Qaranku xafidantahay oo aad  adigu masuul ka tahay marka muwaadin caadi ahi  xog ogaal u yahay waxay dawladaada iyo kuwa kale kuwada hadlayaan?

Bi kullil ixtiraam, waa halkaagiiye, madaxwayne miyay naga kaa qabataa in hogaanka hawlaha dawlada cid kasta oo aan xil rasmi ah ku magacawnayni ay fara galiyaan? Xuquuqdooda muwaadinnimo lama dafiri karo, waxase aanan garanayn sababta ay soddognimadu qof ugu sad buriso!!  Midh baase la yaab leh sidee ayay uga suurtowdaa in rag aad u yaqaanna hanaanka dawladeed oo waliba caalamka in badan wax ka soo qabtay in ay kaa aqbalaan sidan aad ula dhaqmayso? Siilaanyo, sayidii, kaftanba ha noqotee ma is tidhi geed baad dadka saartaa! Biixi baan sugayaa bal wuxuu ka yidhaa!!

 

Comments are closed.