Boqolkiiba 25 Dawarsadayaasha Ingiriisku Waa Askartii Dalka Ee Qaarkood Ciraaq Iyo Afghanistan Ka Soo Dagaalameen

2
626

44London (Geeska)- Kadib sannado badan oo ay ka qayb qaadanayeen hawlgallo milateri oo u adeegaya siyaasadda dibadda ee dalkooda, qaar badan oo saaxiibbadood ahina ay iyaga oo arkaya ku dhinteen xabadda cadowga, ayaa maanta askar badan oo ka tirsanaan jirtay milateriga dalka Ingiriiska waxa ay waayaha nololeed ku kallifeen in ay dawarsi u istaagaan shaaracyada waaweyn, habeenkiina kartoonnada la goglanayo ay kula diriraan darbi-jiifka magaalooyinka barafku ka da’o.

 

Waa askar hore oo weli xusuusan qisaskii argagax lahaa iyo ma-hadhooyinkii yaabka badnaa ee ay kala kulmeen dagaalladii uu dalkoodu ku qaaday Yugoslavia, Afghanistan, Ciraaq iyo dalal kale oo daafaha dunida ah, in kasta oo markii dagaalladaas loo dirayey ay madaxdoodu ku beer-laxawsatay in ay soo difaacayaan danta sare ee qarankooda, qiyamka aadamennimada iyo dimuqraadiyadda, haddana intoodii wedka ka badbaaday dib uma ay arag taliyeyaashii hadalka macaanaa.

Warbixinno Ingiriiska lagu sameeyey oo uu Wargeyska Geeska Afrikaafka hooyo u turjumay, ayaa daaha ka rogay in askartaas beryaha qaar lagu faani jiray ay maanta boqolkiiba 25 ka yihiin dib-jirka iyo dawarsadayaasha shaaracyada Ingiriiska taagan, waxa ay la qabsadeen nolosha adag ee hoygeedu yahay waddooyinka dhinacooda, biriishyada hoostooda iyo xabaalaha dhexdooda, qaarkoodna waxaaba la xaqiijiyey in ay u dhinteen dhaxanta iyo barafka da’a ama maan-dooriye saayid ah oo ay cuneen. Askartan dawarsadayaasha noqday badankoodu waxa ay qabaan cudurro nafsiya iyo khalkhal dhinaca maskaxda ah oo ay ka qaadeen dhiigga aadamaha ku wax yeelloobayey dagaalladii ay soo galeen, waxaana naftooda dishooday daroogada ay askarinimadii kadib isku dayeen in ay isku illowsiiyaan mushkiladahaa caafimaad iyo bulsho ee soo waajahay.

Shabakadda Aljazeera ee dalka Qatar ayaa nasiib u yeelatay in ay la kulanto qaar ka mid ah darbi-jiifkaas ka tirsanaan jiray ciidamada qalabka sida ee dalka Ingiriiska; oo ay ku jiraan kuwo ka mid ahaa ciidamada cirka, iyo qaar ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran. Askartan ayaa qaarkood ay ilmada xejisan kari waayeen, markii ay wariyaha uga sheekaynayeen qisaskooda xanuunka badan, marar badanna reenka oohinta ee ka baxaya laabtoodu uu tashuush ku furayey codkooda.

Aaron oo da’diisu ay ku jirto kontomaadkii, waxa uu ka tirsanaan jiray ciidamada badda ee boqortooyada, muddo toddoba sano ah oo uu ku jirayna waxa uu ka qayb qaatay dagaalladii uu Ingiriisku ka galay dalka Afghanistan oo uu joogay sannadkii 2006da, laakiin maanta waa dibjir, muddo bilo ah hoy ma’uu lahayn, waxa aanu ku silcayaa xaafadda Hoof ee koonfurta magaalada London. Aaron waxa uu ku adkaystay in uu dawarsado isaga oo xidhan labbiska ciidamada, waxa aanu ka warwareegay in uu hoos ugu dhaadhaco warka la xidhiidha xaaladda qoyskiisa, si kooban ayaa uu wariyaha ugu yidhi, “Muddo dheer ayaa aan ku noolaa nolol aad uga fog qoyskayga, xusuusta keliya ee aan cidlada ka weheshadaana ahayd maalmihii wanaagsanaa ee aan farxadda kula qaatay inantayda oo imika 21 jir ah” Waxa uu sheegay in ciidamada dalka Ingiriiska laga eryey horraantii bishii Siddeedaad 2012ka, kadib markii xaaladdiisa nafsiga ah lagu sheegay in uu ku jiro khalkhal ay ka qaadday dhibaatooyinkii badnaa ee ay la soo kulantay xilligii dagaalka, markii uu wariyuhu weydiiyey sababta uu u tiirinayo xaaladdiisaa caafimaad darro ee nafsiga ahna inta uu cabbaar aamusay, ayaa isaga oo aad mooddo in su’aashu ay damaqday boogaha uu is-illowsiinta ku dhayayey, uu oohin bilaabay.

Aaron markii ciidanka laga eryey waxa uu dadaal adag u galay in uu dib ugu noqdo noloshii madaniga ahayd oo uu la qabsado hab nololeedka caadiga ah, waxa aanu samaystay laash uu ku soo kalluumaysto, laakiin waa uu ku guul darraystay in uu ka dheefo wax uu noloshiisa ku dabbaro, sidaa awgeed waxa ay dantu badday nolosha darbi-jiifka, in kasta oo uu u muuqdo nin aan weli si buuxda isu dhiibin oo jecel in uu dhowro karaamadiisa iyo sharafta ciidamada qalabka sida ee uu la soo qaatay qayb badan oo cimrigiisa ah, haddana waa uu qarsan kari waayey cabashadiiisa dhibta heshay iyo dawarsigaa lagu eegay oo xataa ay dawladdii uu u shaqaynayey ka daba iman weyday ama gargaar u fidin weyday

Aaron oo keliya ma’aha:

James waa askari kale oo ka tirsanaan jiray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dallaayadda ku booda, bilowgii isaga oo weli da’ yar ayaa waxa uu ku dagmay xayeysiis ay wasaaradda difaaca ee dalka Ingiriisku si joogto ah ugu faafin jirtay warbaahinta dalka Ingiriiska si ay dhalinyarada ugu dhiirri geliso in ay ciidamada is qoraan, laakiin maanta waxa uu aaminsan yahay in ay ahayd dhallaan-habaabis uu ku dagmay. Isaga oo murugaysan ayaanu weriyaha uga warramay qaabkii loogu diray Ciraaq, “Waxa ay naga dhaadhiciyeen in aanu dadka reer Ciraaq ka xoraynayno Shaydaan magaciisa Saddaam Xuseen la yidhaahdo” markii uu intaa yidhi ayaa uu aamusay, isaga oo ka shakiyey in wariyahani uu ku dhici karo faafinta warkiisan halista ku ah sharafta dawladda, kadib waxa uu wariyihii weydiiyey, “Warkayga ma baahinaysaa?!”

James oo ku hadlayey afka Ingiriisida oo uu wargeyska Geeska Afrika u soo turjumay akhristayaashiisa waxa uu sheegay in muddo markii uu ka dagaal galayey dalka Ciraaq ay ku dhacday xaalad caafimaad darro oo nafsi ahi, sababta ugu weyn ee xaaladdiisa caafimaad darrana ay ku timid u qaadan waa ku dhacay markii uu arkay kala duwanaanshiyaha waxa uu filayey ee loo soo sheegay iyo xaqiiqada jirtay. James markii xaaladdiisa nafsiga ah la arkay waxaa la siiyey fasax dheer, waxa aanu dib ugu soo noqday dalkiisa, laakiin mar kale ayaa uu haddana la kulmay xaalad u qaadan waa oo sii xumaysay caafimaadkiisa nafsiga ah, isaga oo dhibaatooyinkaas isu barkaday ka warramayana waxa uu yidhi, “Waxa aan naftayda u sheegi jiray in marka aan dib u noqday ay si weyn ii caawin doonto xaaskaygu. Laakiin markii aan soo noqday waxa aan u imi iyada oo inta ay iga dal doorsatay nin kale la nool. Tan iyo maalintii aan ogaadayna waxa aan ku noolaa shaaraca, mana doonayo in aan mar dambe dib ugu noqdo noloshii caadiga ahayd”

Xusuusaha argagaxa leh ee uu James illaawi kari la’ yahay waxaa ka mid ah, hooyo iyo wiilkeedii oo iyaga oo si nabad ah u dhex maraya beeraha timirta ee dalka Ciraaq uu askari Ingiriis ahi si badheedh ah kibir rasaas ugu jarjaray labadoodiiba, sawirka dhacdadaas uu indhiisa ku arkayey ayaa illaa hadda ka bixi waayey maskaxdiisa, Waxa aanu sheegay in uu haatan wax kasta oo kale faraha ka qaaday, oo keliya uu sugayo in wedku uu sida qayrkiisa kale ee darbi-jiifka ah isaga oo aan cidi u damqan uu nafta ka guddoomo. Isaga oo ka warramayey cuqdadda uu ka qaaday dagaalkii Ciraaqna waxa uu yidhi, “Intii aanu annagu ku jirnay holaca hawlgalladii Ciraaq, taliyeyaashayadu waxa ay ku raaxaysanayeen xeebaha Ingiriiska, Isbayn, Cumaan iyo Kuwayd, xaasaskayagiina inta ay naga quusteen ayaa ay rag ka raadsanayeen baararka lagu caweeyo” Waxa aanu intaas ku sii daray, “Ciraaq ayaanu ku soo waalannay, dagaalkii aanu galnayna abaalkiisu waxa uu noqday in aanu noloshii ka dhacno… kelidayna ma’aha ee tiro badan oo ka mid ah askartii aanu isku cutubka ahayn ayaa shaaracyada taagan, qaarkoodna iyaga oo darbi jiifa ay u dhinteen qabowga iyo Maandooriye ay si xadka ka baxsan u isticmaaleen… midkoodna waabu is dilay”

Dawladdu maxay ka tidhi:

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Ingiriiska oo codsaday in aan macagiisa la sheegin ayaa mar uu la hadlay shabakadda Aljazeera si uu uga jawaabo hadallada ka soo yeedhay askartan dibjirka ku dambaysay waxa uu yidhi, “Xukuumadda waxa ay waddaa dadaal adag oo ay noloshii caadiga ahayd dib ugu celinayso askarta ka timi jiidaha dagaalka ee ka tegey ciidanka” Waxa aanu intaas ku sii daray, “Dhammaan askarta ka tegeysa shaqada ciidanka ama laga saarayo waxaa la siin doonaa taageero ballaadhan si loogu fududeeyo noloshaa kala guurka ah ee u dhaxaysa askarnimada iyo nolosha rayidka ah.. waxaa ka mid ah taageero nafsiya oo dhinaca la talina ah, lacag  faro qabsi ah, iyo tababarro ay kula qabsanayaan nolosha caadiga ah”

Dhinaca kalana waxa uu afhayeenkani sheegay in dawladdiisu ay qorshaysay lacag dhan 470 Milyan oo Gini oo ay ku daweynayso guud ahaanba xaaladaha nololeed ee dibjirka dalka Ingiriiska.

Comments are closed.