Madaxweyne Muuse Oo Khudbadiisa Maanta Indhaha Lagu Wada Hayo, Lana Sugayo

0
760

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa wuxuu maanta ka qaybgalayaa qalin jabinta jaamacadda Hargeysa, waxaanu ka jeedin doonaa khudbad.

Madaxweyne Biixi, ayaa khudbadiisan si weyn loogu dheg taagayaa, waxaanu shacabku indhaha ku hayaa in Madaxweynuhu khudbadiisa kaga hadlo xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Biixi ayaa la sugayaa inuu ka hadlo qaddiyada Sarkaalka hore uga tirsanaa ciidanka qaranka Col. Caare oo ergadii madaxda dhaqanka ahayd ee ku hawlanayd dib u soo celintiisu ay ka baxday ka dib markii uu taliyaha ciidanka qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani jeediyay khudbad xiisad siyaasadeed abuurtay.

Khudbadaas uu taliye Taani jeediyay ee uu kaga hadlay taliye Caare iyo sarkaal ka tirsanaa ciidanka qaranka Sanaag-bari oo isna u goostay dhinaca Puntland ayaa waxay sii xoojisay kala qaybsanaantii siyaasadeed ee dalka ka jirta. Waxa la eegayaa qaabka uu Madaxweyne Biixi uga hadlo arrintaas maanta, waxaanay dadku u dheg taagayaan hadalka madaxweynaha ee maanta.

Waxa kale oo la eegayaa in Madaxweynuhu si toos ah shacabka ugala hadlo burburka ku yimid heshiiskii xisbiyadu wada gaadheen ee la horgeeyay Baarlamaanka oo uu shirguddoonka baarlamaanku laalay. Arrintan ayaa iyaduna weli caqabad ku ah doorasho dalka ka qabsoonta.

Si kastaba ha ahaate, shacabka ayaa isha ku haya hoggaamiyahooda iyo nooca ay noqoto khudbadiisa maanta la filayo inuu u jeediyo ardayda qalin jabinaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here