“Madaxweyne Dadka Reer Somaliland Wadanka Way Wada Leeyihiin, Ee Waa In La Isku Hayaa Reer Iyo Ciidanba”

0
731

Siyaasiga Cabdi Haybe 

Hargeysas (Geeska)-Xoghayaha Hawlaha Guud ee Xisbiga Waddani Cabdi Haybe Maxamed, kana mid ah Hogaanka sare ee Xisbigan, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan, waxaanu tilmaamay in dalka aan la kala lahayn, ee la wada leeyahay, Shacabka reer Somaliland u siman yahay, reer iyo ciidan laga saari karaana aanay jirin, waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in aanu ka aamusin hadalkan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka ee uu ka hadlo.

Xoghayaha Hawlaha Guud ee Xisbiga Waddani Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Ciidanka Qaranku wuxuu ka kooban yahay Somaliland oo dhan, Beri ilaa Galbeed,Waqooyi ilaa Koonfur, markaas Ciidan la odhan karo  iska taga iyo reer la odhan karo Ciidankaaga looma baahnana ma jiro, reer iyo Ciidankiisaba lama odhan karo irida ka baxa, Taliyaha Ciidankuna si fool xun buu u hadlay, ee haddii aanu Madaxweynuhu hadalkaas Taliyaha la qabin waa inuu shaqada ka fadhiisiyaa, haddii uu se ka aamuso waxay noqonaysaa amar uu isagu siiyey,hadalkan Taliyuhuna ciyaar maaha ee waa inuu Madaxweynuhu aanu ka aamusin ee uu ka hadlaa”

Mar uu ka hadlaayey arinta Caare ayaa yidhi “Taliyaha Ciidanka Qaranku wuu ku khaldan yahay hadaladan uu ku hadlay, xilalka Qarankuna maaha shaadh nin leeyahay ee waa inay wareegto noqdaan,  arintii Caare ee ay Odayaashu soo dhamayeen, Taliyuhu uu ku tuntay, si reerka wadanka laga saarayaba, markaas Salaadiinta iyo Odayaashu arinta Caare wey soo dhammeeyeen, waxaana la sugayey Madaxweynaha oo Xajka ku maqan, markaas may ahayn inuu Taliyuhu iska maroorsado oo uu iska hadlo Madaxweynaha oo aan la ogeyn, arintan Caare waa la dhammeeyey, ee imikana waa in arinta si wanaagsan loo xaliyaa, cidna wadanka lagama saari karo, cidna lama odhan karo waa dambiile, ilayn Maxkamaddi may xukumin, mar haddii Odayashu arinta Caare soo dhammeeyeena, waa in wanaag iyo samaxad lagu dhammeeya, laakiin hadal qalafsan looma baahna, dadaalkaas ay Odayasha iyo Salaadiintu sameeyeena  aad baan ugu mahadnaqayaa, waana in dadaalkooda lagu taageera, oo lagu garab istaaga, laakiin maaha in waxba laga soo qaadi waayo”

Mar uu baaq u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi   “Madaxweyne  dadka reer Somaliland wadanka wey wada leeyihiin, ee waa in la isku hayaa reer iyo ciidanba, waa in cadaalad loo qaybiyaa dhaqaalaha dalka ka soo baxaya, imika dhinaca ayuu dhaqaalihii dalku u janjeedha ee waa in cadaalad lagu qaybiyaa, waa waxaan caqliga galaynin, Mashaariicaha horumarinta ee dalkana waxaa jira Gobolo badan oo ilaa imika aan waxba helin, todobaadii sanadood ee hore ee Xisbiga Kulmiye iyo imikaba, Galbeed ayuun baa lagu sii wadaa dhaqaalaha dalka ee waa in Hawad, Bari iyo Deeganada kale ee dalkana la gaadhsiiya, dalka waa la wada leeyahay iyo dooga soo baxayba, ee waa in dhaqaalaha iyo doogaba la wada daaqa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here