Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo La Filayo Inay Toddobaadkan Ku Kulmaan Djibouti

0
1356

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa la filayaa inay toddobaadkan ku kulmaan magaalada Djibouti ee dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Ma jiro war rasmi ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan kulanka labada madaxweyne, laakiin warku wuxuu sheegay in wada hadalkan oo uu soo qaban qaabiyay safiirka Maraykanka ee Muqdisho danjire Donald Yamamoto uu ka furmi doono dalka Djibouti oo ay labada madaxweyne isku horfadhiisan doonaan, waxaana kulanka martigeliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Danjire Donald Yamamoto ayaa isna goob-joog noqon doona.

Labada madaxweyne ayaa kala hoggamin doona laba wefti oo culus oo ka kala ambabixi doona Hargeysa iyo Muqdisho.

Waxa iyaguna kulanka ka qayb geli doona oo lagu martiqaaday Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, diblomaasiyiin ka kala socota Ingiriiska, Faransiiska iyo Jaamacadda Carabta.

Waa shirkii u horeeyay ee miisaankan leh ee ay isku horfadhiistaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay kulan hore oo koobnaa ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya bishii February ee sanandkan.