Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Xukuumadda Somaliland Kula Taliyey Inay Ka Baxdo Wada-hadallada Soomaaliya

0
857

Hargeysa (Geeska) – Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey inay ka baxdo Wada-hadallada Soomaaliya ee la filayo inay Toddobaadkan gudihiisa dib uga bilaabmaan Jamhuuriyadda Jabuuti.

Maxamed Xaashi oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo daba socda Warar soo baxay oo sheegaya in Toddobaadkan ay Magaalada Jabuuti ku kulmayaan Wufuud ka kala socota Somaliland iyo Soomaaliya oo ay kala hoggaaminayaan labada Madaxweyne, ayaa wuxuu soo jeediyey in Xukuumadda Somaliland aanay fududaan oo ka baxdo Wada-hadallada, maaddama buu yidhi Wada-hadalladii horeba aanay Somaliland waxba ka faa’idin.

Eng. Xaashi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wada-hadallada Soomaaliya ee beri hore soo bilaabmay, marnaba wax dan ah oo Somaliland ugu jirtay ma jirin, aqoonsigeeniina way hakisay oo waxa loo qabaa inaynu heshiin karno, Ninkii Madoobaa ee Ninka Cadi dilay wixii laga sameeyay iyo Mudaharaadkii laga dhigay waad arkayseen, laakiin innaga 50 Kun oo Qof baa inagaga dhintay dagaalkii Maxamed Siyaad Barre, 243 Xabaal-wadareed baa jira, Dadkii waxaa geystay Soomaaliya ayay joogaan Qofna looma xidhin waxna lagama qabanin, kuwii iyagoo Muqdisho jooga la soo ururiyey reer ahaanta loo laayey waxba lagama qabanin, wax Odayaal ah oo inoo yimid oo yidhi waanu ka xunnahay waxaa idin gaadhayna maynaan arag.”

Eng. Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay “Soomaaliya waa Cadowga koowaad ee Somaliland, waxaan ugu necebahay kuweena yidhaahda Walaalaheena Soomaaliya, Waayo? Walaal sidaa kuuma galo, xaqna maaha inaynu illaa Heerkaa gaadhno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Farmaajo wuxuu Saldhig ka samaystay Buuhoodle, waa xuduudkeenii, Dadkeenii ayuu Lacag siinayaa oo uu leeyahay Xamar bay doorasho ka galayaan oo inala baratamaya, Magaceenii buu baa’biinayaa. Abiy Axmed tii hore ayuu bilad ku helay imikana tu kale ayuu doonayaa, markaa innaga inagu heli maayee, Tigreyga ay is hayaan hala heshiiyo.”

Ugu dambayn, Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu u soo jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi “Fadhigaa la isugu imanayaa hadduu dhab yahay oo Dawladdeenu damacsan tahay, kolay wax aanu Annagu Raalli ka nahay maaha, Waayo? Soomaaliya waa Cadowgeena koowaad, Farmaajana waa ka ugu sii weyn, markaa waxaanu kala shirnaa ma jirto, waxaanu odhan lahayn Dawladdeenu fudaydka ha iska deyso oo Arrimahan Dadku haka tashado oo hala iska arko wixii laga yeelayo Soomaaliya, sheekada wada-hadalladana haba la inaga joojiyo oo hala yidhaahdo waanu ka baxnay, Waayo? taas ayay dawadeenu ku jirtaa.”