Hargeysa: Dad Ku Dhaawacmay Muran Dhul Oo U Dhexeeya Qoyska Madaxweynaha Iyo Dadka Shacab Ah

0
587

Hargeysa (Geeska) – Inta la ogyahay Laba Qof oo Shacab ah ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad dhex maray Ciidammada Booliska Somaliland iyo Dad Shacab ah.

Dhaawaca labada Qof ee Shacabka ah oo dhacay Subaxdii hore ee Jimcihii Shalay ayaa yimid, ka dib markii Ciidammada Boolisku isku dayeen inay joojiyaan dhismaha Guri Jiingad ah oo laga yagleelay Dhul ku yaalla Buurta kala Jeexan ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Dhulka dhibaatadu ka dhacday ayaa waxa ku muransan oo isku haysta Qoyska Ilma Biixi Cabdi ee Madaxweynaha Somaliland iyo Dadka Shacabka ah ee deggan.

Ciidammada Booliska oo halkaa loo geeyay inay joojiyaan dhismaha jiingad la sheegay in laga dhisay goobta  ayaa waxay isku dhaceen Dad Shacab ah oo diiddan Tallaabada Ciidammada oo laftoodu xoog adeegsanayey, waxaana halkaasi ka dhacay Gacan ka hadal sababay in Boolisku rido rasaasta ay ku dhaawacmeen labada Qof ee Rayidka ah, sidaa waxa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay Qof jaar la’ ah halka dhibaatadani ka dhacday.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo xilli dambe oo Shalay ah Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay “Labadii Qof ee ku dhaawacmay dhacdadii ka dhacday Galbeedka Hargeysa Allaah ha caafiyo. Dhulkaa Galbeedka Saddex xukun baa ka soo baxay, iyadoo Cid laga rarayaa aanay jirin imika ama wax raritaan ah oo imika ka socday aanay jirin oo ah Ciddii degganayn, balse wixii cusub ee Sandaqado ka dhisanaya laga joojiyey, waxa habeen hore si sharci-darro ah looga dhisay Sandaqad, Sandaqadaas oo Shaqaalaha Dawladda Hoose iyo Ciidanka Boolisku ay ka soo qaadayeen Saaka Subaxdii (Shalay) ayaa waxa halkaa ku wareeray Dad Shicib ah iyo Niman Qoryo sita oo hubaysan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Halkaa waxa ku dhaawacmay laba Qof, labadaa Qof Allaah ha shaafiyo, laakiin intii Shicibka iyo Nimanka qoryaha sitay dabada ka wadday ee la ogyahay ee dhulka laga xukumay oo ah niman waaweyn oo suuqa joogo Tallaabo adag baa laga qaadi doonaa.”

Labada Qof ee dhaawacu soo gaadhay oo Rag iyo Dumar ah ayaa Dhaawacooda la dhigay qaybta gargaarka deg-degga ah ee Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, si Xaaladdooda Caafimaad loogu Tacaalo.

Wargeyska Geeska Afrika oo gelinkii dambe ee Shalay booqday Cisbitaalka guud ee Hargeysa uma suurto-gelin inuu arko labada Qof ee dhaawaca ah, maaddaama oo Cisbitaalka la geeyay Ciidammo Boolis ah oo faro badan, kuwaasi oo Xadidaya dhaqdhaqaaqa Dadka galaya qaybta gargaarka deg-degga ah ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa.