Boqor Buur-Madow Oo Madaxeyne Biixi Ugu Hanjabay In Lagu Samayn Karo Xil Ka Qaadis

0
626

Hargeysa (Geeska) – Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa eedaymo culus u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Buur-madow oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa marka koowaad wuxuu Sharaxaad ka bixiyey doorka Madax-dhaqameedku ku leeyihiin hoggaaminta dalka marka buu yidhi siyaasiyiintu ay ku fashilmaan hoggaaminta.

Buur-madow oo ugu horrayn ka hadlaya Doorka Madax-dhaqameedku wuxuu yidhi  “Ma Jiro Suldaan qaatay Go’aan aanay shacabkiisu la ogayn, balse Madaxweynayaal ayaa Xamar tagay oo Xil ka doontay, Wasiirro tagay, Siyaasiyiin tagay, Rag Xisbiyo hoggaaminayey oo markay wax waayeen tagay, markaa Siyaasiyiintu mar walba way tagaan, laakiin annagu mar walba Shacabka ayaanu miciinsanaa.”

Buur-madow oo u waramay weriye Xasan Galaydh oo ka tirsan HCTV, wuxuu sheegay in xiligii Somaliland ay dagaalka kula jirtay Dawladdii Siyaad barre ay Madax-dhaqameedku la wareegeen Hoggaanka Shacabka “Siyaasiyiintu markay Dagaalka Shacabka ku hoggaamin kari waayeen ee ay fashilmeen, Madax-dhaqameedku waxay qabteen shirkii Cadaroosh, Madaxweynaha imika iyo Rag badan oo kale way joogeen, anigu Raggii joogay baan ka mid ahaa, markii siyaasiyiintii khalkhaleen waxa hoggaamiyey Madax-dhaqameed, halkaana Guurti baa loogu dhisay, Maanta illaa Maalintaa Guurtidaa Marjac u ahayd, mar kasta oo Somaliland Xaalad adag soo istaagto Madax-dhaqameedka ayaa bedbaadiya.”

Boqor Buur-madow oo la waydiiyey wuxuu daaran yahay hadallo Madax-dhaqameedka uu ka mid yahay ku dalbadeen in laga qayb-geliyo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ku jawaabay “Arrinkayagani wuxuu daaran yahay, Xukuumaddii la doortay ee Muuse Biixi waxay ku fashilantay inay Xisbiyadii la heshiiso, inay Komiishankii dhisto, inay doorasho gaadhsiiso, Xildhibaannadeenii Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanku 16 Sanadood ayay galayaan (Fadhiyaan), fashil baa taagan, Madaxweynahana waa kii u horreeyay ee ku fashilma inuu ansixiyo Komiishan Shaqaynaya oo uu Xisbiyada la tashado oo uu u tanaasulo, Maantana waxaad arkaysaan in sidii Waxaro Mareegta isku martay mar walba iyagu ay Tanaasulayaan, oo Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu aanay marnaba Tanaasulayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maanta waxa inoo Taalla ayaan-darro ah laba Komiishan oo aan la garanayn mid wax hoggaamiya, labadii Gole iyo Xukuumaddii oo jiq isku ah, Madaxweynihii oo Wada-hadalkii loo banneeyay keligii ku ah oo weliba intuu Bulshada Caalamka wax la soo galay, oo Farmaajo wax la soo galay, Wada-hadal Mugdi ku jiro, oo yimid, markaa Maanta oo ay muuqato in Xukuumaddani aanay Dalka Xaaladdan ka saari Karin, wada-hadalladana gaadhsiin Karin in Madax-dhaqameedku soo faro-geliyo waa wakhtigeedii ayaan anigu aamisan nahay.”

Boqorka oo la waydiiyey halka uu ka yimid khilaafka dhex yaalla Xisbiyada iyo Madaxweynaha, maaddaama oo ay dhawaan heshiis wada gaadheen, ayaa ku jawaabay “Ma Jiro wax heshiis ah oo ay gaadheen Xisbiyada iyo Xukuumaddu, Waayo? Xisbiyadu waxay mar walba u jilicsan yihiin inay doorasho dhacdo, mar walba si aan loo kala tagin ayay Tanaasul bixinayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Madaxweynuhu uu Wada-hadalladii ku bilaabay in Somaliland badhkeeda la siiyo Lacag la sheegay in Beesha Caalamku siinayso Soomaaliya “Boogtu halkay ka taagan tahay aan saro, Wada-hadalladu waddo fiican bay ku socdeen, maaddaama oo Caalamku yidhi Somaliland iyo Soomaaliya Wada-hadal ha ku kala baxeen, Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo halkii dantu ku jirtay ee Lacagta yar ee Hawada ee ICAO  ayaa Wada-hadalladii lagu soo koobay in la dhamaysto, tiina waxay noqotay taa innagii isku-keen dabo-gadiday ee Hawadeenii ku wareegtay, Maantana waxaanu u aragnaa in Madaxweyne Muuse Biixi uu ka bilaabay (Wada-hadalku) 800.000.000 (8 boqol oo Milyan) baa loo siidaynayaa Soomaaliya ee qaybtayda ha la i siiyo oo gorgortan  dhaqaale uu ka bilaabmay, annaguna (Madax-dhaqameedka) Arrinka xaqa ah ee saxda ah ee in laga wada-hadlo aanu u aragnaana waa in lagu dhawaado inaynu kala baxno oo laga wada-hadlo Masiirkeenu muxuu noqonayaa…”?

Boqor Buur-madow wuxuu kale oo uu Madaxweynaha ku eedeeyay “Annagu ma wadno inaanu Shacabka jiidhno, inaanu Xukuumadda ka boodno, inaanu Xisbiyada ka boodno, waxaanu leenahay Wada-tashi la isku ogyahay hala bilaabo, Waayo? Dalka Masiirkiisa Madaxweynahani meel kuma wado,  Madaxweynihii Shiinuhu Dadkiisii Wuhan ee Xanuunka wuu ka dhex bixi waayay, laakiin waa Ninkaa (Madaxweyne Biixi) aad arkaysaan ee Ummaddiisii oo aan belo ku dhicin ka dhex cararray ee Beerta ku xidhan.”

Ugu dambayn, Boqor Buur-madow wuxuu soo jeediyey “Annagu waxaanu leenahay waar Xisbiyada la tasho, waar Madax-dhaqameedka la tasho, Shacabka la tasho. Maanta inaynu Koonfur wada-hadallo way banana tahay, ka daa (Wada-hadallada) aad keligaa u dusayso ee danta gaarka ah oo Talada ballaadhi..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay Madaxweynaha Runta u sheegayaan “Annagu meel uma socono, Salaadiinta gudaha joogtaana ma dhuumanayaan, Aniguna waan imanayaa, Madaxweynahana waanu u badheedhaynaa oo Annaga oo Hargeysa joogna Runtaanu u sheegaynaa, Jabhado ma ururinayno, ma dagaalamayno, Madaxweynuhuna hadduu Dalka meel u kaxayn waayo Cabdiraxmaan-tuurba laba Sano ayaa u hadhsanayde waanu ka badheedhaynaa Muuse iyadoo laba iyo Saddexba u hadhsan yihiin in talada laga qabto hadduu la socon waayo, ma nihin Dad cabanaya ee ama hana xidho ama ha dagaalamo, talada wixii aanu xaq u leenahay waanu ku qabsanaynaa, haddaanu meel u wadin.”ayuu yidhi, Boqor Buur-madow yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here