Madaxweyne ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Marxaladda Dalku Marayo, Saami-qaybsiga Iyo Soomaaliya

0
422

 

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxaladdu dalka marayo, waxaanu xusay in qaranimada Somaliland tahay mid muqadas ah oo aan gorgortan la galin karin, Caalamkana marti ugu tahay aqoonsi caalamiya.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in xaalad kasta oo jirta laga gudbo si wada jir ah, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dhab ahaan xaalado adag iyo duruufo waayahooda wata ayeynu ka soo gudbunay oo kolba heer baynu soo gaadhaynay, maantana mansha allaah meel fiican baynu maraynaa, qaranimadeenu waa muqadas, gorgorta iyo shakina lama galin karo, Beesha Caalamkuna Inay ka garaabaan oo aqoonsiga aynu xaqa u leenahay ina siiyaan ayeynu uga baahan nahay, maxaa yeelay Soomaaliya haddii aynu mar isku ahayn dal qudha, hore waanu uga madax bananayn, haddana waanu ka madax-banaan nahay, Soomaaliya isku meeqaam ma joogno, isku dana ma nihin ee waxaynu kala nahay laba dal oo jaar ah, Soomaaliya waa waddan aynu jaar nahay, oo Soomaalinimada iyo Diinta ayaa inaga dhaxaysa ee dawladnimadu nagama dhaxayso, waxay dawlad kasta oo Soomaaliya ka dhalataa inoo daba socataa waa khalad, sinabana suurtagal ku noqon mayso inaynu mar dambe Soomaaliya isku noqon dal qudha oo mid ah, anagu markii horeba waxaanu raadinaynay shantii Soomaaliyeed, laakiin taasi suurtagal way noqon wayday, midawgii Soomaaliya dhibaatooyinkii aanu ka dhaxlay waanu ognahay, markaas mar dambe ku dagmi mayno”.

Mar uu ka hadlayey saam-qaybsiga ayaa yidhi “Anigu hore waxaan u soo jeediyey qaabka ugu wacan ee looga gudbi karo duruufaha jira, waxaan idhi haddii la rabo in arintan saamiga xal laga gaadho waa in laba qodob mid la yeelaa, waa qodobka koowaad oo ah in Doorashada la qabto hadda oo Doorashada lagu galaa sidii hore, oo Xildhibaanada dambe ee iman doona ay xal la gaadhan arinta Saami-qaybsiga, oo Doorashada dambe ee Golaha Wakiilada lagu galaa saami-qaybsi, qodobka labaad ee aan soo jeediyeyna waa in Golaha Wakiilada ee hadda jooga in loo kordhiyo laba sanno, labadaas sano xal lagaga gaadhaa arrinta saami-qaybsiga, oo laba sanno kadib saami-qaybsi Doorashada lagu galaa”.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ka dheeraadan wax kasta oo dhibaato ku keenaya nabadgalyadooda, qarankoodana meel uga soo wada jeestaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office