Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Ka Qayb Galay Aaska Dhaxal Sugihii Boqorka Sucudiga

3
742

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka qayb galay aaska dhaxal sugihii boqortooyada Sucuudiga oo shalay lagu aasay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Carabiya.

 

Marxuumka oo habeen hore laga soo qaaday dalka Maraykanka oo uu ku geeriyooday waxa aaskiisa ka qayb galay boqorka dalka Sucudiga, Madaxweynayaal ka taliya dalal Muslim ah, waxaanu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele boqorka Sucuudiga gaadhsiiyay tacsi uu ka siday shacabka reer Djibouti, waxaanu ka qayb galay salaadii jinaasada ee lagu tukaday boqorka geeriyooday oo ahaa wasiirka difaaca ee dalkaas Sucuudiga.

Madaxweyne Geele ayaa markii uu toddobaadkan geeriyooday dhaxal sugihii boqortooyada Sucuudigu wuxuu amar ku bixiyay in calanka dalkiisa hoos loo dhigo islamarkaana Telefishanka dalkiisa Djibouti laga akhriyo quraanka kariimka ah. Djibouti iyo Sucuudiga waxa ka dhexeeye xidhiidh wanaagsan, waxaanu Sucudigu qayb libaax ka qaataa horumarka dalka Djibouti.

Comments are closed.