“Waan Iska Dhex Sharaxayaa KULMIYE, Diyaarna Waan Ahay”

0
2654

 

Abiib Timacad iyo Xaashi Cabdilaahi.jpg-for-web-largeHargeysa(Geeska)-Siyaasiga Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa daboolka  ka qaaday inuu si rasmi ah isaga dhex sharixi doono xisbiga KULMIYE, isagoo ku loolami doona murashaxnimada Madaxweynaha.

 

Abiib Timacad, oo uu shalay weriye ka tiran Wargeyska Geeska Afrikauu la kulmay, wuxuu yidhi, “Waxaan kuu xaqiijinayaa inaan is sharaxayo, diyaarna waan u ahay oo waxaan iska dhex sharaxayaa gudaha xisbiga anigoo u tartami doono jagada murashaxa Madaxweyne ee KULMIYE.”  Ayuu yidhi Abiib Timcad, waxaanu intaas raaciyay, “Shirweynaha u horeeya ee xisbigayaga ayaan hankayga ku soo bandhigayaa, waxaanan rajaynayaan inaan soo bixi doono.” Abiib, wuxuu sheegay inuu qaban doono shirjaraa’id oo uu arrintan si rasmi ah ugu iclaaminayo.

Abiib Diiriye Nuur, ayaa wuxuu ka tirsanaan jiray saraakiishii milatari ee ururkii SNM, waxaanu noqday wasiirkii u horeeyay ee caafimaadka Somaliland ee dawladii u horaysay ee ay SNM dhistay, isagoo xukuumadii Marxuum Cigaalna ka noqday Wasiirka Beeraha, halka uu Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin isna u magacaabay Wasiirka duulista iyo hawada oo uu aakhirkii iska casilay. Waxaanu noqonayaa siyaasigii u horeeyay ee si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu isu sharaxayo jagada murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE.