“Waa In Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxkamad La Hor Keeno Ama Waa In Jaamac Maxamed Qaalib Beri Ahaado, Sharcigu Waa Inuu Qof Walba Qabtaa”

0
2551

 

Hargeysa 

cabdiraxmaandheere(Geeska)-Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Dheere), oo ah gudoomiyaha guddida Dastuurka, Cadaalada, Shuruucda iyo Xuquuqal-insaanka ee golaha wakiilada, ayaa cadeeyey hadaan wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr, Maxamed Cabdillahi Cumar maxkamad la hor keenin inaan Siyaasiga Jaamac M. Qaalin waxba lagu lahayn.

 

Gudoomiye cabdiraxmaan Dheere ayaa soo jeediyey si loo gaadho ictiraafkeena inay muhiim tahay ka qeybqaadashada shir kasta ama Soomaali ha joogto ama cid kaleeto’e.

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu waraysi kala yeeshay soo guryo noqoshada Jaamac Maxamed Qaalib iyo weliba awoodaha guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Waa maxay waajibaadka iyo awoodaha Guddida joogtada ah ee golaha wakiiladu?

Waajibaadka guddida joogtada ah ee baarlamaanku waa anshax-marinta xubnaha baarlamaanka, isla markaana waxay sii wadaan hawlaha golaha inta fasaxa lagu jiro, laakiin ma laha awood sharci samayn.

Sharciyan Baarlamaanku awood ma u leeyahay u yeedhitaanka madaxda hay’adaha qaramada Midoobay?

Baarlamaanku sharciyan awood uma laha u yeedhitaanka madaxda qaramada middobay ee dalka jooga, balse waxii hawlo ay uga baahdaan waxay kala xidhiidhayaan wasaarada wada shaqeynta ay leeyahiin ee Qorshaynta Qaranka. Hay’adaha qaramada Midoobay waxay leeyihiin xasaanad, xitaa muwaadiniinta ah shaqaalaha qaramada Midoobay kama qaado wax cashuur ah.

Waxa  dalka soo gaadhay siyaasiga Jaamac M. Qaalin oo hore u aaminsanaa mowqifka midnimada Soomaaliya, isla markaana aan fagaare ka cadeyn ka laabashada mowqifkiisi midnimada, waa maxay  shuruudaha cafiska lagu bixin karo?

Qolyahiina saxaafadu mar walba meel aan waxba ku jirin ayaad wax ka doontaan. Dadka Hargeysa jooga wax Soomliweyn aqoonsan iyo wax Somaliland aqoonsan ma war baad u haysaa. Jaamac Maxamed Qaalib dadkaas buu ka mid yahay waa muwaadin u dhashay, xaq ayuu u leeyahay imaatinka Hargeysa oo reerkiisa iyo hantidiisu taalo, sidoo kale dastuurku xaq buu siinayaa, hadii aanu qofku wax dhibaato ah ama nabadgelyo-daro ah kugu wadin, ma jiro wax sharci ah oo u diidaya imaatinka dalka.

Miyaanu qabanayn sharcigii hore looga soo saaray arrinkan?

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr, Maxamed Cabdillahi Cumar waa kii kala qeybgalay  shirar madax Soomaali ah, waxaanu ugu yeedhnay gollaha wakiilada si uu cadeyn uga bixiyo shirrarkaa, wax talaabo ah lagama qaadin, hadii taa la jebiyey, xitaa waxaan soo jeediyey maalintaa hadii shiriarkii laga geybgalay oo ogolaateen, xeerkaasi dabar buu ahaaye aan iska jebino,meesha laga saaro, laakiin qofna ima dhegeysan, waa la diiday oo halkii lagama qaadin, waxuu kaana u qaban waayey kana u qabanayo anigu war uma hayo. Mar danbe waxa lay sheegay xeerkuba xeer ma ahayne qaraar buu ahaa. Xitaa anigaa hore laygu xidhay arrinkaa mar aan booqasho ku tegay Jabuuti oo shir caalami ah oo Soomaliya ku saabsan ka socday balse aanan anigu ka qeybgelin. Sharcigu waa inuu qof walba qabtaa, bals eaanu dadka qaar qaban. Waxa loo baahan yahay in wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr, Maxamed Cabdillahi Cumar maxkamad la horkeeno ama waa in  Jaamac M. Qaalib beri ahaado. Hadaan doonayno gaadhitaanka ujeedadeena ictiraafka waxa muhiim ah inaan ka qeybgalo oo gaadhno meel walba oo arrinkaa ku jiro. Markaan nidhaahno waan la shiraynaa Kenya ama Itoobiya laakiin lama shirayno Soomaaliya, markaa nafteena ayeynu cuqdad ka qabnaa. Adigoo is aqoonsan waa inaad ka qeybgasha shir kasta Soomaali ama bahal ha joogee.