Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Oo Maanta Burco Ka Furmaya

0
915

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur, ayaa ka xog waramay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo maanta ka furmaya Magaalada Burco, waxaanu sheegay in qaban-qaabadu meel wacan u marayso, kuna rajo weyn yahay inuu Shirku ugu murmo si fiican uguna dhammaado si fiican.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigu waa Shirka ugu weyn ee Xisbiga, marka laga yimaado Shirweynaha Xisbiga, Shirkuna wuxuu soconaya laba cisho, waxaanu ka dhacayaa Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer, ee Burco, ilaa haddana qaban-qaabadu meel fiican bay noo maraysaa, waxaana ku rajo weyn nahay in Shirku noogu furmo si fiican oo khayr qabta, isla sidaasna uu noogu dhamaado, ilaa haddana wax walba waxay u socdaan sidii loogu tagalay”.

Mar uu ka hadlaayey ujeedada Shirka ayaa yidhi “Shirka Golaha Dhexe, sababta loo qabanayo waa danaha iyo waxyaabaha xuseeya Xisbiga, xubnihii xaqa uu yimid ee Golaha ka tirsanaa ee geeriyooday ayaa boosaskoodii la buuxinaya, xubnihii Xisbiga laga saaray ayaa boosaskoodii la buuxinaya, danaha kale iyo hawlaha Xisbiga u yalaana dabcan waa lagaga arinsanaya”.

Geesta kale, inkastoo aanu xisbiga Waddani ka hadlin tirada xubnaha golaha dhexe ee Waddani iyo sida ay beelaha Somaliland u kala qaybsadeen, haddana xogo soo baxay ayaa iftiiminaya in tirada xubnaha golaha dhexe ee Waddani yihiin 301 xubnood, si rasmi ahna looma garanayo sida ay beeluhu u kala heleen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here