Muxuu Kaga Duwanaa Shirkii Djibouti, Shirar Kii Hore Wada Hadalada Somaliland & Somalia?

0
639

1- Wuxuu Ahaa Shir Bulshada Somaliland Talaabo Talaabo Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Ula Wadaagtay Umada.

2- Wuxuu Ahaa Shir Madaxweynuhu Mawqifka Somaliland Iyo Rabitaanka Shacabka Si Wanaagsan U Qodobeeyay, Taarikhiyan, Siyaasiyan Iyadoo Aay Weheliso Rabitaan Kooda Mustaqbal Iyo Hiigsi Gooduba Oo Ah In Somaliland Ictiraaf Hesho.

3- Wuxuu Ahaa Shir Meesha Ka Saartay Tuhuno Hore Oo Ku Xeerna Shirar Kii Hore Ee Xukumada Kulmiye, Kuwaaso Ahaa Shirar Madmadow Badani Ku Duugnaayeen Oo Bulshada Somaliland Haba Yaraatee Aan Dog Badan Laga Siin Oo Aanay Kaba War Hayn Qodobada Wada Hadalada Iyo Heshiis Yada.

Maxaa Somaliland Ka Qaldamay Shirkii Djibouti?

Iyadoo Shirkaa Djibouti Ahaa Mid Umada Somaliland Si Weyn U Farxaf Galiyay Oo Yididiilo Iyo Rajo Badan Ku Abuuray Markay Dadweynuhu Daawadeen Qudbadii Madaxweyne Muuse Biixi, Oo Xaqiiqatan Shaki Badan Oo Umada Qabtay Quluubtii Umada Ka Saartay Hadana Habsamidii Shirka Iyo Warar Kii Ka Imanaayay Wax Ka Qalday.

Wuxuu Qalad Kaasi Ahaa Gudoomiyaha Guurtida Oo Waraysi Uu Bixiyay Yidhi In Shirkii Dhamaaday Oo Lagu Kala Kacay.

 

Waxaa Isna Waraysi Bixiyay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Waraysi Kale Ku Xusay Inaan Shirka Lagu Kala Kicin, Laakiin Dib La Isugu Noqonaayo.

Labadaa Waraysi Ee Is Burinaayay Ee Isla Ergadii Wada Hadalada Somaliland Kasoo Yeedhay Ayaa Run Ahaan Ahaa Mid Wiiqay Habsami Usocodka Dibolomaasiyadeed. Waxaanay Ahayd Arin Aad U Fool Xun Markaad Ka Eegto Dhanka Siyasada, Taaso Muujinaysa Tafaraaruqaa Iyo Wada Tashi La’aanta Ka Muuqatay Ergadeenii Amaba Xukumada. Arintaasi Waxay Ahayd Mid Aad U Fool Xun Oo Ina Wiiqday Marka Aaynu Eegno Garabka Ergadii Somalia.

ADEN-DEEQ