Madaxweyne Faroole oo hortaagan Kursiga Beesha Meheri Ismaaciil

0
906

KENYA-SOMALIA-PUNTLAND-FAROLE-PIRACYGarowe-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole oo uu wakhtigiisii la doortay dhammaad ku dhowyahay ayaa xoog iyo awood ku hortaagan xildhibaanka ay Beesha Meheri Ismaaciil Ee Carab Saalax ay ugu tallo gashay inuu Baarlamaanka uga soo galo magaalada Garowe. Beesha Meheri Ismaaciil ayaa ah aasaasayaashii deegaanada Puntland magaaleeyay qarnigii hore.

 

Baarlamaanka Puntland oo ay tiradiisu tahay 66 xubnood waxa ay Beelaha Carabta oo ah aasasayaasha deegaanada Puntland ay ka heleen laba xildhibaan oo ka soo kala baxa Galkacyo iyo Garowe. Xildhibaanka Carabta uga soo baxaya Galkacyo waa la diyaariyay qofka uu  noqon doono, laakii xubintii ay Beesha Meheri Ismaaciil ku lahayd Garowe ayaan weli la magacaabin, maadaam oo uu hortaaganyahay Madaxweyne Faroole oo aaminsan in xubintaasi aanay cod siin doonin maalinta doorashada la gaadho. Waxaanu Madaxweyne Faroole si toos ah u farogeliyay go’aanka ay madaxdahqameedka Beesha Meheri Ismaaciil ku soo xushay xildhibaankii u geli lahaa Baarlamaanka. Mdaxweyne Faroole waxa qorshahan ku weheliya labada Isin ee hadda gacanta ku haya xulista xubnaha Baarlamaanka Garowe  kuwaas oo ka soo jeeda Beeshiisa, waxaanay Madaxweyne Faroole iyo madaxdhaqameedkani awood iyo xoog ku horistaageen xildhibaankii Beeshaas u meteli lahaa Baarlamaanka.

Qaadacadda uu Madaxweyne Farole qaadacay xildhibaanka Meheri Ismaaciil, waxa kale oo ay saamayn ku yeelatay wakhtigii loogu tallo galay xulista Baarlamaanka Puntland oo ay ahayd in toddobaad ka hor la soo gudbiyo.

Si kastaba ha ahaate wax garadka iyo aqoonyahanka Beesha Meheri Ismaaciil, waxa cid kasta oo ay arrintani khusayso ay ugu baaqayaan inay wax ka qabtaan islamarkaana ay madaxweyne Faroole iyo Isimada Garowe ee xildhibaanada xulaya cadaadis ku saaraan inay faraha kala baxaan kursiga ay Beesha Meheri Ismaaciil u soo xulayso Baarlamaanka.