Ismari-Waaga Xisbiga KULMIYE Oo Sii Xoogaystay Iyo Kulan Xalay Dhex Mari Lahaa Madaxweyne Siilanyo Iyo Muuse Biixi Oo Si Kedis Ah U Baaqday

25
650

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xaaladda xisbiga KULMIYE ayaa meel xaasaasi ah maraysa, waxaana isa soo taraya ismariwaaga ka dhex taagan hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda, ka dib markii garab guddiga qaban qaabada ka tirsani ay doorteen hoggaanka guddiga qaban qaabada shirweynaha xisbiga.

Labadii caano maal ee u dambeeyay waxa si weyn u socday ololeyaal iska soo horjeeda oo salka ku haya doorashadii Arbacadii ee ay 15 xubnood oo guddiga qaban qaabada ka tirsani ku doorteen hoggaan. Hoggaanka xisbiga ayaa hore u cambaareeyay kooxda dooratay guddoomiyaha iyo kuxigeenka guddiga qaban qaabada, laakiin garabkaas ka tirsan guddiga qaban qaabada ayaa iyaguna dhinacooda aaminsan inay doorashadooda u mareen sharciyad ka dib markii ay xubnaha kale ee guddigooda ka maqani ka war-wareegeen inay doorasho dhacdo.

Ma jiro wax xal oo loo helay khilaafkan, lamana oga cid is xilqaantay oo ku maqan ka odayaynta murankan ka dhex jira xisbiga KULMIYE oo haddii uu sii xoogaysto saamayn ku yeelan kara xaaladda dalka.

Kulan xalay baaqday

Waxa xalay jiray kulan qorshaysnaa inuu cawayskii hore dhex maro Madaxweyne Siilaanyo oo ah odayga KULMIYE iyo guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, laakiin kulankaas ayaa saacadihii u dambeeyay si kedis ah u baaqday. Warar xogogaala ayaa sheegay inay baaqashada kulanku ka timid dhinaca Madaxweyne Siilaanyo, waxaana la sheegayaa inuu kulanka dib ugu riixay barqada maanta oo la filayo inay albaabada isu xidhaan Madaxweynaha iyo Muuse Biixi. Saddex xubnood oo wasiiro ah ayaa hore isugu dayay inay kulansiiyaan Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo aaminsan inay xukuumadu dabada ka riixayso ololeyaasha siyaasadeed ee ka dhanka ah, laakiin kulankaas hore ee ay wasiiradu ka soo shaqeeyeen ayaa isna ka baaqday dhinaca Muuse Biixi.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate shirweynaha xisbiga KULMIYE oo weli lagu jiro qaban qaabadiisa ayaa la saadaalinayaa inuu khilaaf iyo murano siyaasadeed xisbiga ka dhex abuuro, kuwaas oo sababi kara dhaawac iyo dildilaac ku yimaada xisbiga, haddii aan wakhtiyada dhow si deg deg ah xal loogu helin. Waxaana loo dheg taagayaa kulanka saaka qorshaysan inuu dhex maro Madaxweynaha iyo Muuse Biixi Cabdi oo ay suurtogal tahay inuu kulanka ku weheliyo Maxamed Kaahin Axmed oo ah guddoomiye xigeenka xisbiga.

Comments are closed.