Waxna Aan Wada Qalanno Mindiyahana Aan Kala Qarsanno..!!Jaamac Maxamuud Axmed

0
713

Midi waa iga afeef midina waa aashay, midi waa iga afeefee, Casarkii isa sheege Cishaa’iga eedi ma raacdaa la yidhiyee anigu shaqo dawladeed weligay maan qaban, raadsan mana hungurayn nooc ay tahayba bedalkeedana waan iska xamaashaa oo degtaan rartaa Quudiyuhuna iguma qadiyo. Sidaa darteed yay cidina u fahmin in uu si uun Mawduucan hoose igu yeeshay Saamayn Taban gaar ahaan tayda amaba cid aan si gooniya u danaynayo ee waa mid guud uun, weliba qarsan maayo’ee aniga qalbigaygu qarka Dawlada ayuu qaddar u qaloocaa taase macnaheedu ma aha Qalbigaa la jiree waa Qalad ma waaye, intaas waa iga afeef.

Midina waa aashay’e, anigu mabaan jeclayn ka hadalka arintan iyo qaar kale toona’e balse Sheekh dadka Heesaha ka Wacdiyey ayaa laga hayaa “Hadaad meelaha Heesaha lagu dhagaysto ka ag dhawaatid uun dee marka dambe waxaad is arki doontaa adiga oo la qaadaya, ama ugu yaraan Madaxa u ruxaya” Sheekh ahaw ama Shariife ana waxaan deris la noqday cabashooyin ka soo noqnoqtay Sinaan la’aan la wariyay inay ka jirto fursadaha shaqo ee Dawladda iyo deeqaha wax barasho ee la soo mariyo isla iyada oo malaha wixii Xunba Xaawa ayaa lehe aanay dadka caadiga ahina ka madhnayn eedeeda dabadeed is arkay wixii laga yidhi arintaa anoo ka qayb ah.

Nabiibiyuhu warkuu sheegayo ayuu Nacas run moodaaye ana nadartu wixii aan arko ayaan nacam idhaahdaaye, haddaba sheeko iguma aha’e waxaan shaahid u noqday dad baddan oo ay arintani dhankeeda tabani saamaysay iyo dar kale oo geesteeda togani u hiilisay oo badh-badhaadhnay leh, markaa labadaa dhexdooda maxaa ka dhalan kara?. Mooyiyee kheyr Allow ka dhig. Maxaase ku jaban haddii ay imtixaan daah furan ku kala calaf qaadaan kuna kala qancaan ee ay bedalkeedii macruuf u noqotay, Halkaa igaga Canqab, Halkaa igaga Tuur dugsigiibuu ka saaqidayee.

Sawtii balantu ahayd shaqada iyo shakhsiga ku haboon? Iyana mooyi, wadanka waynu wada leenahay aynu wada ilaashano aynu wada difaacno aynu meel uga soo wada jeedsano, dhibkiisa u sinaano, dheeftiisana aan la kala jeesano, aan la kala dhuumano dee waa “Waxna aan wada Qalano Mindiyahana aan kala Qarsano”. Inta wax tabanaysa waxaan odhan lahaa wax aan la idiin qorin ka soo qaada hana tahriibina sidana idiin roonaydaana Rabbaa oge.