Hargeysa(Geeska)Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah WADDANI, Xirsi X Cali ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay Barta Xisbigu Wadani ku leeyahay facebook ayaa waxa u uku sheegay in uu aqbalay ay soo saaren koomishanka Doorashoooyinku waxaanu u dhigna Qoraalka Gudoomiyuhu sidan” Go’aanka maanta, oo ah 24 December, 2025 ay soo saareen KDQ ee daarran habka loo qabanayo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ee guud ahaan gobollada dalka oo dhan, lana saxo (Update) wixii khaladaad ah ee ku jira xogta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Xisbiga WADDANI, waxa uu u arkaa mid waafaqsan sharciga, isla markaana xeerku awood u siiyay KDQ in ay ka go’aan gaadhaan.
Xisbiga Muxaafidka ah WADDANI, isaga oo ixtiraamaya madax-bannaanida Komishinka Doorashooyinka Qaranka, waxa uu la qaatay qorshaha diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxa aanu soo dhawaynayaa go’aan kasta oo sharciga waafaqsan, kaas oo suurta-gelinaya in ay Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ku qabsoomaan wakhtigooda astaysan ee 31 May, 2026.”
XIRSI CALI X. XASAN
GUDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI












