HARGEISA(Geeska) — Waxaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah cirka isku Shareertay cabasho xooggan oo ay muujinayaan Fannaaniinta Qaranka iyo Saxaafadda Madaxa-bannaan, taasi oo si toos ah u Taagan maamulka sare ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Eedaymahan ayaa si gaar ah Loogu jeedinaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase).
Khilaafkan iyo cabashadan maaliyadeed ayaa salka ku haysa lacagihii loogu talagalay xuska munaasibadda qaran ee 18-ka May iyo baahinta barnaamijyadeeda, iyadoo muddo laba sano ah oo uu maamulkani xafiiska joogo aan wax xal ah loo helin tabashada labadan qaybood oo laf-dhabar u ah dalka Waa fanaaninta Iyo Saxaafada
- Eedaynta Tooska Ah: Agaasime Cabdisalaan Ilkacase ayaa kow ka ah madaxda farta lagu fiiqayo, iyadoo lagu eedaynayo inuu caqabad ku yahay bixinta xuquuqda maaliyadeed ee fannaaniinta iyo suxufiyiinta intii uu xafiiska joogay.
- Lacagta Fannaaniinta: Fannaaniinta Qaranka oo ah kooxda mihiimka u ah bilicda iyo dhiirrigelinta xafladaha 18-ka May ayaa ka cabanaya in la duudsiyay ama la hor-istaagay lacagtii yaryayd ee loogu talagalay dhiirrigelintooda fanaaninta Qaranka.
- Dhabar-jabka Saxaafadda: Saxaafadda madaxa-bannaan ee u taagan baahinta iyo agaasinka barnaamijyada iyo wararka 18-ka May ayaa iyaguna sanadkii labaad la dhibaataysan lacagtii yarayd ee Qaadan jireen Baahinta Wararka Xuska 18 May , 2026












