Madaxweyne Biixi Oo Xaalad Deg Deg Ah Ku Soo Rogay Ceerigaabo, Ceel-Afweyn Iyo Gar-Adag Iyo Baarlamaanka Oo Khamiista Beri Cod U Qaadaya

0
941

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ka tirsan gobalka Sanaag muddo saddex bilood ah.

Madaxweyne Biixi ayaa wareegtadan uu soo saaray wuxuu ku sababeeyay xaalada nabadgelyo xumo oo ka jirta gobalkaas oo saamayn guud ku yeelanaysa ammaanka guud ee qaranka.

Wareegtada Madaxweyne Biixi ayaa u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne Lr. 04/042019 uu xaalad deg-deg ah ku soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.

Waxaanu u dhignaa xeerka Madaxweynuhu Sidan:- 

Xeer Madaxweyne Lr. 04/042019

Xaalad Deg-deg ah

Markaan Arkay:       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay:       Dhibaatada Colaadeed ee Ka Jirta Degmooyin Ka Mid ah Gobolka Sanaag oo Halis Galin Karta Nabad-gelyada Guud, Jiritaanka Qaranka iyo Dastuurka Dalka;

Markaan Arkay:       Nabad-gelyo Darrada Ku Soo Noq-noqotay Degmooyinkaa Gobolka Sanaag oo Xukuumadda iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshaduba ay Dadaallo Naf iyo Maalba Leh Ka Galeen;

Markaan Arkay:       In ay Tahay Waajib Qaran in Xukuumaddu Qaado Tallaabo adag oo Lagu Joojinayo Khataraha Amni-darro, Si Loo Sugo Nabad-gelyada, Loona Bad-baadiyo Nafaha iyo Hantida Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan La Sameeyey        La-tashi Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka JSL (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Guddida Guud ee Nabad-gelyada Qaranka;

Waxaan Go’aamiyey;

Qodobka 1aad. Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency)

1) In Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency) lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.

Qodobka 2aad. Tallaabooyinka Sugidda Amniga

1) In Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kala duwan ay qaadaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan amniga, kagana hor-tagayaan cid kasta oo ku kacaysa ama u muuqata in ay fulinayso falal nabad-gelyo darro.

Qodobka 3aad. Maamulka iyo Go’aammada Muddada Xaaladda Deg-dega ah

1) In Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland la wareego dhammaan maamulka iyo go’aammada lagu sugayo amniga, laguna joojinayo khataraha nabad-gelyo darro.

Sidaa darteed, xeerkan waxan u gudbiyey golaha baarlamaanka ee guurtida iyo wakiilada, waxaanan idinka rajaynayaa in aad ka gudan doontaan waajibaadkiina dastuuriga ah, si waafaqsan Qodobka 92aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Labada Gole Baarlamaank

Labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada ayaa fadhig deg deg ah loogu yeedhay si ay go’aan uga gaadhaan xaaladan deg deg ah ee uu Madaxweynuhu ku soo rogay deegaamo ka tirsan gobalka Sanaag. Sida Madaxweynuhu sheegay wuxuu xeerkan u gudbiyay labada gole oo isu iman doona khamiista beri.

Gunaanad

Waa markii u horaysay taariikhda Somaliland ee uu Madaxweyne talada hayaa xukun deg deg ah ku soo rogo qaybo ka tirsan Somaliland, iyadoo ay Somaliland soo martay marxalado iyo xaalado ka adag halka ay maanta taagantahay.

Gobalka Sanaag ayaa marka horeba la daalaa dhacaya duruufo kala duwan, waxaana sannadkan u dheer abaar iyo biyo la’aan, iyadoo ay imikana ugu biiri doonto xaaladan deg deg ah ee lagu soo rogay magaalooyin muhiim ah oo gobalka ka tirsan oo ay caasimadii gobalku kow ka tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here