“Haddii Uu Madaxweynihii Door Biday KULMIYE Iyo UCID Inuu Madaxweyne U Noqdo Dalka Intiisa Kale Madaxweyne La’aan Mayso”

0
889

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdihlaahi (Cirro), ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in aanay ka qayb qaadan diiwaangalinta dhawaan komishanku uu doonayo inuu dalka ka qabto isaga oo ku eedeeyay doorashada lagu galaayo inay laba xisbi oo kaliyaati galayaan.

Sida oo kale guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi uu doortay in uu dadka dalka qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo, isla markaasna qaybta soo hadhay aanay noqonayn bilaa madaxweyne.waxa uu si adag uga hadlay xaalada dalka isaga oo xukuumada ku eedeeyay inay qaaday wadadii kalitaska ugana digay in waanay wadadaasi Somaliland ka soconayan.

Waxa uu arimahan ka sheegay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn  shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay tacsi uu u diray ehelada saraakiishii lagu laayay gobalka Sanaag “Waxaan tacsi qaran u dirayaa saraakiishii ciidanka Somaliland ee danbiilayaashu ku dileen gobalka Sanaag, qaranka iyo ehelkoodii iyo xaasaskoodiina waan ka tacsiyaynayaa waxa waajib ah in sharciga la horkeeno danbiilayaashaas waxaanse ka xumahay sida la sheegay in saraakiishaasi muddo shan cisho ah ay gurmad ka dalbanayeen Maxamed Kaahin oo ku mashquulsanaa doorashada labada xisbi qabanayaan, waxaan kaloo tacsi u dirayaa oday inagu weyn Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koore oo ka mid ahaa odayaashii nabadaynta gobalka Sanaag oo ka soo baxay  Sanaag markii arintani dhacday oo dhexda gaadhi kula dhacay kadibna geeriyooday.”

Xaalada Somaliland

Somaliland maanta waxay maraysaa marxalad adag oo aan ka qarsoonayan indhaha shacbiga reer Somaliland iyo indhaha beesha caalamka,Somaliland waxa ay ahaan jirtay oo lagu tilmaami jiray laanbad ka ifaysa Geeska Afrika, waxa ay heshay magaca iyo maamuus wanaagsan waxa ayaan daro ah in maanta karaamo beel ka mudantahay dad badan oo karaamayn jiray, karaamadaas iyo laanbada laga damiyayna waxa masuul ka ah oo sabab u ah xukuumada xisbiga KULMIYE, waxaad maanta ka warqabtaan xukuumadii KULMIYE waxa ku maqan dhamaan hantidii ma guurtada ahayd ee shacbigu lahaa, hantidii way socotay maanta waxaynu ka hortaaganahay nafihii shacbiga Somaliland.

Dalka waan ka maqnaa xoogaa waxaan ka dhoofay iyada oo shacbigu ay la tiicayaan sicirbarar xadhkaa goostay waxaan soo noqday iyada oo wali shacbigu tiiraanyadii iyo cabashadii uu qabo, waxaan soo noqday iyada oo la yidhi doolarkii  tobanka kun ahaa sideed kun ayuu tagay, dadkii doolarka haysan jiray mar kaliyaata ayay gacantooda ka waayeen halkii doolarba laba kun oo shilin, maceeshadii iyo badeecadii midna qiimahoda hal santi lagama dhimin,. Taas macnaheedu waxa weeye qof kastaa waxa uu waayay 20% waxii uu haystay dadkii mushaharkoodu uu ahaa lacagta Somaliland oo ay ugu badnaayeen dadka wax dhisa, dhismuhuna waa shaqo siiyaha ugu weyn Somaliland dhismihii waa uu istaagay sarifka awgii, waxaana ku dhacay dad badan shaqo beel, walina tiiraanyadaasi way taagan tahay xukuumadii qorshe la iman lahayd lagu badbaadiyana waxay ku mashquulsan tahay ku tacadiga shacbigeedii oo saxaafadu ugu horayso, kala qaybinta bulshada iyo dhul boob.

Maadaama oo ay Ramadaan soo dhawdahay xukuumaduna ay waajibkeedu ahaa qorshe arinta lagu furdaaminaayo hase yeeshee aanu soo muuqan qorshe ay soo wado waxaan u soo jeedinaya shacbiga Somaliland inay iyagu isku naxariistaan oo qof waliba maadaama oo ay ramadaana inoo soo galayso uu jaarkiisa ogaado oo waxii uu ku tari karaayo uu ku taro, maanta shaqaalaha iyo ciidamada mushaharkoodu kuma filna, waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa dhalinyaro is xilqaantay oo la sheegay in ay qaadhaan u ururinayaan qoysaska balbalaadhan ramadaanta, maadaama kaalintii ay xukuumadu gabtay ganacsatadana waxaan ku boorinayaa inay shacbigooda u naxariistaan.

Arimaha Doorashooyinka 

Waxa aad ka warqabteen xisbiga Waddani inuu doorashadii ka tanaasulay markii komishanku uu ku dhawaaqay, intii ka danbaysay sanad iyo dheeraad waxa Waddani uu fadhiyay miiska wada hadalka ee asxaabta, waxaan u fadhinay in doorasho wakhtigeedii ku qabsoonta aynu helno, qabyada doorashadana la qabyo tiro oo ay ugu horayso cidii doorashada inoo qaban lahayd ama siidhwadayaashii ama garsoorayaashii ama komishankii oo si siman asxaabtu u soo xuleen dhexdhexaadna ah, waxaan filaynay sanad iyo badhkaas in arinta saami qaybiga oo go’aankeeda laga filaayay madaxweynaha  ay wali ka soo bixi la’dahay guntigii madaxweynaha, xeerkii baarlamaanka ee doorashada in la ansaxiyo iska daaye wali golaha lama hordhigin, kootadii dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay wali lama hirgalin, miisaaniyadii doorashadu ma jirto iyada oo intaas ay qabyo tahay iyad oo wadahadalkii asxaabtu ay socdaan waxaad ogtihiin in laba xisbi ay qol cidla ah isla galeen oo ay yidhaahdeen anaga ayaa doorasho qabsanayna arintaasi waa riyo maalmeed aan sinaba Somaliland uga hirgalayn.

Walaalayaal waxa layaab leh ninka leh doosho ayaan qabanayaa ee Somaliland qoriga dabka ah kula wareegaya ee maalinba doonaya inuu meel ku dhajiyo inuu yahay wasiirkii ka masuulka ahaa amniga qaranka, arintaasi sharcina maaha caqlina maaha sinaba ugama suurtoobi karto Somaliland shacbigu waa yaaban yahay, beesha caalamkuna waa ay yaaban tahay, waxaan ka digaynaa arintaas sii wadisteeda, waxaad ka warqabtaan in labada xisbi ay Komishanka ku meeraysanayaan in komishankii madaxweynuhu u yeedhiyo in labada xisbi baarlamaanka tagayaan arintaas waxaanu ka digaynaa inay tahay dab Somaliland lagu dhajinaayo, waxa layaab leh in madaxweynii qarankan aynu u dooranay inuu hogaamiyo oo dalka uu mideeyo uu ka doorbiday inuu bulshada qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo, hadduu madaxweynii qaranku inuu qarankan madaxweyne u noqdo uu ka doorbiday  KULMIYE iyo UCID inuu madaxweyne u noqdo dalka intiisa kale madaxweyne la’aan mayso, hadii uu madaxweynuu ka doorbiday oo ay waajibkiisa ahayd inuu dalkan doorasho qaran u qabto oo asxaabtu u siman tahay oo uu go’aansado inuu KULMIYE iyo UCID inta kalena doorasho la’aan mayso, waxaan u sheegayaa shacbiga iyo umadda reer Somaliland in hadii xukuumadii iyo laba xisbi hadii ay yidhaahdeen dalka kala badh ayaanu ka tashanaynaa in aanay inta kalena talo la’aan doonin, waxaan u sheegayaa oo aan farayaa dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani haday joogaan gobal,degmo iyo goob In aanay marnaba aqbalin diiwaangalin iyo doorasho ay laba xisbi wataan, fariintaas ayaan gaadhiinayaa dhamaan taageerayasha xisbiga Waddani.

Waxa aad ka warqabtaan intii ay xukuumadani jirtay inay tahay xukuumadii ugu tacadiga badnayd saxaafada,ganacsatada, samafalayaasha imikana waxay ku dartay hooyooyinka iyo umulihii arintaasi waxay muujinaysaa inay Somaliland qaaday tubtii digtaatooriyada waxaanan ka digayaa in aanay halkan digtaatooriyadi ka suurto galayn boqortooyana ka suurto galayn, mudadaas kooban hadaan ka soo qaado sanadkan oo kaliyaata 2019-ka waxa la xidhay inkabadan 15 saxafi, waxa albaabada loo xidhay Foore, waxa hanjabaad iyo digniin la siiyay tilifishano ka mid ah Somaliland oo uu ka mid yahay Saab iyo Star arintaas sii socodkeedu waxa uu dhalin karaa gadood shacbi, digtaatooriyadu dunida oo dhan way soo martay halkay ku danbeeyeena waad ogtahay.

Waxaanu ka digaynaa in xukuumadu ay dhaqankaas badasho shacbiga ay masuulka ka tahayna ay hagardaamada ka dayso saxaafada dastuurku uu u baneeyay madaxbanaanidana ay madaxbanaanidooda siiso dalkana cadaalad ay ku hogaamiso.

Wada hadalka Somaliland iyo Somaliya

Adduunyadu taariikh ayay wada leedahay dawladnimadu waxay ku dhisan tahay aaminaada shacbigu aamino dawladiisa,waa arin ay dhamaan dalalku soo mareen dadka shacbiga ah markuu aamino dawladiisa iyo haayadihiisa dhamaan waxa uu u hogaansamaa amarada iyo shuruucda ka soo baxa laakiin marka uu lumiyo aaminaada xukuumada waxa bilaabma burbur dalalkaas waanay soo wada mareen.

Xukuumada Somaliland iyada oo leh 50% shacbiga waan ka maarmay oo aan rumaysanahay in 50% ay tirsanaysaana aanay kalsooniba ku qabin waxaan qabaa in aanay ahayn wakhtigii ugu haboonaa ee ay ahayd inay Wadahadaladii Somaliland bilaabmaan anaga oo mabda’ ahaan ogol xisbi ahaan in la wada hadlo laakiin waxa ka horeeya inaan gurigeena hagaajino oo shabiga midayno in tacadiga,xeerjabinta,kutumashada shuruucda, xadhiga iyo jidhdilka shacbiga aynu markaas badalno oo inaga oo gudaha ka midaysan ayaynu gali karnaa aan la hadalno dalal kale, wakhtigay ku haboonaato in wadahadal la gaadho waxa loo baahan yahay in qorshii hore wax laga badalo loo xulo dad ka midho dhalin kara wadahadal kasta oo la galaayana waa inay u dhamaadaan matalayaasha shacbigu oo uu ka mid yahay xisbiga Waddani.

Guddoomiye Cirro ayaa ay warbaahintu waydiisay su’aalo badan waxaana su’aalahaas ka mid ahaa hadii ay komishanka doonayaan in la kala diro sabaabta ay ugala bixi waayeen xubintii xisbiga Waddani ku lahaa oo wali ka mid ah?

Todobada xubnoodba waanu eedaynay xubintayadu waa ay wanaagsantahay oo todobada ka mid maaha maanu odhan, markaas waxaanu jecelnahay todobaduba inay tagaan oo taayaduna ay ku jirto, imikana waxaanu taaganahay todobaduba ha tagaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here