Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inuu Wada-hadallada La Sii Wadayo Xisbiyada Mucaaradka & Qorshihiisa Doorashooyinka Uu Khilaafku Ka Taagan Yahay

0
648

Mucaaradku, Ma ogolaan Doonaan Wada-hadallada Uu  Madaxweynaha Qaranku Sheegay Inuu Diyaarka U Yahay, Mise ?

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay Wada-hadallo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada la yeelato saamilayda siyaasadda dalka.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isla-markaana ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibeddu, ayuu Madaxweynuhu kaga hadlay Muddo-kordhinta loo sameeyay isaga iyo Xukuumaddiisa, waxaanu sheegay inay soo dhaweynayaan, diyaarna u yihiin in oorashooyinka khilaafku ka taagan yahay loo qabto sida ugu dhakhsaha badan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraalkiisa ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibeddu ku sheegay in ay ka go’antahay inuu doorashooyinka u qabto sida ugu dhakhsaha badan “Maamulkaygu wuxuu la shaqaynayaa hay’adaha dimuquraadiga ah, si uu u hubiyo in doorashooyinka soo socda loogu qabto wakhtiga ugu habboon ee ugu dhakhsaha badan, iyadoo la raacayo habraacyada guddida doorashooyinka..” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay inuu wada-hadalallada la sii wadayo axsaabta siyaasadda Somaliland, isaga oo rejo ka qaba in horumar laga gaadho, oo la wada horumariyo nidaamka dimuquradiga ah “Waxa naga go’an in aanu wada-hadallada la sii wadno dhammaan saamilayda siyaasadda, aniga oo rejo ka qaba in aanu isku nimaadno anaga oo muwaadiniin waddan wada leh ah, si aanu u sii horumarino nidaamkayaga dimuquraadiyadeed..” ayuu yidhi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay hore u doo qabatay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah, iyadoo caalamku uu kor joogtaynayay, isla-markaana hay’adaha dimuquraadiga ah ee Somaliland ay yihiin qaar adkaysi leh, oo madaxbannaan.

Lama oga in Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID aqali doonaan Wada-hadallada uu Madaxweynuhu sheegay inuu la sii wadayo Saamilayda siyaasadda dalka, maaddaama oo dhowr jeer oo hore ay u fashilmeen Wada-hadallo la doonayeyn in Xal loogu raadiyo khilaafka ka taagan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda ta soo horraynaysa ee dalka laga qabanayo.

Khilaafka taagan, ayaa salka ku haya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo doonaysa In marka koowaad la qabto doorashada Ururrada siyaasadda, halka Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ay doonayaan In la soo horraysiiyo doorashada Madaxtooyada khilaafka oo aan laga heshiinin, ayaa Golaha Guurtidu ay Muddo-kordhin 2 sanadood ah oo aanay Xisbiyada Mucaaradku raalli ka ahayn u sameeyeen Madaxweynaha, tallaabadaas oo sida muuqata sii adkaynaysa khilaafkii hore u jiray.

 

Geeska.net/Hargeisa Office