Xukuumadda Oo Xayiraaddii Ka Qaadday Telefiishanka Madaxa-banaan Ee CBA

0
684

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa xayiraaddii ka qaadday Telefiishanka Madaxa-banaan ee CBA.

Telefiishankan oo Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelintu xayirtay 34 Maalmood ka hor, ayaa Shalay xayiraadda laga qaaday, si uu shaqadiisa dib ugu bilaabo.
Agaasimaha Telefiishanka CBA oo Shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyey xayiraad ka qaadista Telefiishanka.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in Telefiishanku bixiyey lacag dhan 10 kun oo dollar oo Xukuumaddu ku ganaaxday, taasi oo uu xaq-darro ku tilmaamay “Telefiishanka waa laga qaaday Xayiraaddii, ka dib markii uu CBA bixiyey lacag dhan 10.000 kun dollar, taasi oo ku caddayd warqad loo soo qoray, laguna sheegay Ganaax..” ayuu yidhi Agaasimaha Telefiishanka CBA, waxaanu intaa ku daray inay lacagtaa u arkaan xaq-darro iyo wax aan xaq loogu lahayn “Lacagtaa wuxuu CBA u arkaa lacag xaq-darro ah oo aan Telefiishanka lagu lahayn, balse Maamulka Tv-gu wuu bixiyey isagoo eegaya shaqaalaha 50 gaadhaya ee Telefiishanka ka hawl-gala ee fadhiyey 34-kaa Maalmood ee uu xayirnaa iyo dadka badan ee uu Makarafoonka u yahay..”

Ugu dambayn, Telefiishanka CBA, ayaa markii la xayirayey lagu eedeeyay inuu baahiyo barnaamijyo iyo Warar khatar ku ah dalka iyo inuu ka dhacay Liisankii uu ku shaqaynayey.

CBA Maaha Telefiishankii u horreeyay ee bixiyey ganaax dhan 10 Kun dollar, balse waxa sidan oo kale u bixiyey Telefiishanka MM TV.

 

Geeska.net/Hargeisa Office