Diblamaasiyiin Maraykan Ah Oo Sheegay In Saaxiibbada Caalamka Ee Somaliland Ka Niyad-jabeen Muddo-kordhinta Madaxweynaha

0
610

Hargeysa (Geeska) – Diblumaasiyiin Maraykan ah, ayaa ka hadlay Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha Somaliland.
Marka koowaad, Ambassador Tibor Nagy oo hore u ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Afrika isla-markaana soo noqday Safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa sheegay in saaxiibbada Caalamka ee Somaliland ka niyad jabeen Muddo-kordhinta 2-da Sanadood ah ee Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ambassador Tibor Nagy waxa kale oo uu ka faallooday hadal uu Madaxweynaha Somaliland ka yidhi Go’aankii Golaha Guurtidu uu muddada 2 sanadood ah muddo-xileedkiisa ugu kordhiyey, ka dib markii Guddiga doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqeen in aanay doorashada  qaban karin xilligii ay hore ugu muddaysnayd.

Diblumaasigan Maraykanka ah oo qoraal uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey boggiisa Twitter-ka, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waa Wax Wanaagsan in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu caddeeyay (sida uu u arko) go’aanka Aqalka Sare ee Guurtida ee dib u dhaca doorashada, isagoo sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo loo hoggaansamayo habraaca guddiga doorashada.”

Ambassador Tibor Nagy wuxuu sheegay in Saaxiibbada Somaliland ku leedahay Caalamku ka niyad-jabeen Muddo-kordhinta “Saaxiibbadii Somaliland waxay ka niyad-jabeen 2 sano ee Guurtidu u kordhisay (Madaxweynaha)..” ayuu yidhi.

Marka labaad, Micheal Rubin oo ah diblumaasi u dhashay Maraykanka isla-markaana dhawaan socdaal ku yimid Somaliland, ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Mr. Rubin oo qoraal ku baahiyey internet-ka, ayaa ka warramay Maraaxilkii uu soo maray hanaanka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hirgalay,  doorashooyinka iyo khatarta ay xidhiidhka dibedda ku keeni karto Dib u dhaca doorashadii inay dalka ka dhacdo sannadkan aakhirkiisa qorshaysnayd “Somaliland waxay halis ugu jirtaa in dib u dhac kasta oo doorasho waxay dhaawac ku noqon kartaa xidhiidhka dibadda ee Somaliland..” ayuu yidhi Micheal Rubin, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay doorka dimuqraadiyadeed ee Sonaliland ugu jirto gobolka Geeska Afrika “Somaliland waxa ay ku soo caanbaxday in ay qaadato dimuqraadiyadda, waxaana ka soo muuqday dhaqankeeda nabadda iyo dulqaadka ah. Halka ay Soomaaliya hoos ugu dhacday tobannaan sano oo dagaallo sokeeye iyo dawlad la’aan. Taa beddelkeedana Somaliland waxay ku sii jirtay nabad iyo dimuqraadiyad waxayna dib isu soo dhistay iyada oo aan haysan taageero dibadeed.”
Rubin waxa kale oo uu sheegay “Somaliland waxa u qabsoomay 7  doorasho baarlamaan iyo Madaxtooyo. In ka yar 100 cod oo ka mid ah ku dhawaad ??500,000 oo cod ayaa go’aamiyay doorashadii Madaxtooyada ee 2003, iyadoo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu si niyad ah u aqbalay in laga guuleystay. Waxaanu ku guulaystay doorashadii ku xigtay ee Madaxtooyada ee dhacday 2010.

Sidoo kale, isbahaysi mucaarid ah ayaa ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2021, natiijadiina Madaxweyne Muuse Biixi wuu aqbalay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Somaliland waxa kale oo ay noqotay waddankii ugu horeeyey ee lagu sugo diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo lagu sameeyay sawirka bu’da indhaha. Iyadoo Soomaaliya ay heshay balaayiin doollar oo taageero dibedda ah, balse si joogta ah ay ugu guul darreysatay in ay qabato doorashooyin la isku halleyn karo, Somaliland waxay muujisay in dowladuhu ay guul gaadhi karaan marka ay damcaan.”

Rubin wuxuu sheegay in siyaasadda Somaliland ku dhisan tahay shaqsiyaad “Siyaasadda Somaliland ee maanta ee shakhsiyadda ku dhisan ayaan la mid ahayn dagaalka ka socda dalka Ciraaq ee kheyraadka ku dhisan. Taas beddelkeeda, waxay ka tarjumaysaa is-afgaradka bulshada dhexdeeda ee ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee ku xeeran jihada dalka.”

Ugu dambayn, Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ku muddaysnayd 13-ka Bisha November ee sannadkan 2022, ayaa dib u dhacday, ka markii Komiishanka cusub ee doorashooyinku sheegeen inay ku qaban karaan muddo 9 bilood gudahooda ah, balse Golaha Guurtida oo go’aan gaar ah qaatay, ayaa Toddobaadkii hore Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa u kordhisay muddo 2 sanadood ah, taasi oo ay ka hor-yimaaddeen Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland.

Geeska.net/Hargeisa Office