Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Somaliland 4 Bilood Ku Qabsatay Wax Aanay 10-ka Sano Ku Qabsateen

0
654

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Shacabka iyo Xukuumadda oo is kaashanayaa horunar ka sameeyeen Qalabka Caafimaad ee Cisbitaallada dalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay 4-tii bilood ee u dambeeyay ee Somaliland la tacaalaysay Xanuunka Covid_19 laga qabtay Shaqo wanaagsan, taasi oo uu sheegay inaan 10-ka sano ee soo socda loo qaadeen dhinaca Caafimaadka.

Madaxweynaha oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad uu Xadhigga kaga jaray Xarun loo sameeyay Hay’adda Waddooyinka Somaliland ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Markii laga qayliyey Xanuunka Covid_19 bilihii u horreeyay diyaar-garowgii iyo Tabaabulshihii aynu galnay in afartaa bilood ee aynu Xanuunka u midownay in Caafimaadkeenu gaadho (meel fiican Qalab ahaan) waxaynu qaadnay Tallaabo aynaan qaadneen haddaynaan isku tashan tobanka sano ee soo socda.”

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay oo kale “Maanta waxaynu haynaa Lixda Magaalo ee waaweyn dhammaantood qalabka lagu baadho cudurrada oo dhan, Bakteeriya iyo Fayras oo dhan illaa DNA.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddii Allaah yidhaahdo labada bilood ee soo socda ayay ina soo wada gaadhayaan oo dhexda ayay ku soo wada jiraan.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Cisbitaallada waaweyn ee Lixda Magaalo ee Dalka ugu waaweyn loo helay Ogsajiin ku filan “Waxaynu Cisbitaallada waaweyn ee Lixda Magaalo ee ugu waaweyn mid walba u helnay Ogsajiin ku filan, waxaynu helay Shaybaadho, maxaa keenay, waxa la yidhi yaa Somalilanaay, yaa maali jirayey, wax la innagu caawiyey way yar tahay, Dawladduna wixii ay haysay oo dhan bay isugu geysay, si muwaafaqo leh oo midaysan ayaynu gacanta u saarnay Caafimaadkeena, 10 sano inaan la goynin (Gaadhin) ayaynu goynay..” ayuu yidhi.