Ciidammada Booliska Somaliland Oo Waaraan Maxkamadeed La Raadinaya Musharraxiin Komiishanku Ansixiyey

0
730

Hargeysa (Geeska) – Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa siidaayey Magacyada Laba Musharrax oo ka sharraxan Xisbiyada WADDANI iyo UCID, kuwaasi oo lagu eedeeyay in markii ay isa soo sharraxayeen adeegsadeen Shahaadooyin been abuur ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidammada Booliska Shalay, ayaa lagu sheegay in Ciidammadu ay Bulshada u caddaynayaan inay ku raad-joogaan laba Musharrax oo Magacyadoodu kala yihiin Kubrra Xasan Maxamuud oo Gobolka Togdheer uga sharraxan Xisbiga WADDANI iyo Canab Cabdi Aw Xirsi oo Xisbiga UCID uga sharraxan Gobolka Sool.

Sidoo kale, Warka Booliska ayaa lagu sheegay in Maxkamad la soo taagi doono labada Musharraxa ee Dumarka ah iyo Musharrax kale oo Magaciisu yahay Qaasim, kaasi oo ku xidhan Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo laftiisa lagu eedeeyay inuu shahaado been-abuur ah u isticmaalay Sharciyeynta Musharraxnimadiisa.
Warka qoraalka ah ee Ciidammada Booliska Somaliland oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Ciidamadda Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxay Bulshadda u caddaynayaan arrimahan hoos ku qoran:- waxaa ka soo baxay Tartamayaasha Doorashada u taagan qaarkood fal-danbiyeedyo iyo Eedo Booliska soo gaadhay Afartankii maalmood ee u dambeeyay, waxaana Eedahaas ka mid ah; In Murashixiinta qaarkood ay sitaan Shahaadooyin Foojari ah oo ay u samaysteen sifo sharciga baal marsan iyo arrimo kale, Taasi oo markii uu Boolisku baadhis qoto-dheer ku sameeyay ay u cadaatay in Sharciga lagu gefay oo ay dembiyo dhaceen foojirina ay sameeyeen xubnaha eedaysanayaasha ahi sida ku cad qodobada sharciga ah ee kala ah 371,373,iyo 375 Ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Baadhis dheer ka dib waxa ay Boolisku Xeer Ilaalinta iyo Maxakamadaha Dalka hor geeyeen caddaymo ku filan in dambiyadaasi kor ku xusani dhaceen, taas oo qayb ka mida ah garnaqsighoogu uu dhamaad ku dhaw yahay oo uu Maxkamadaha Dalka ka socdo, dacwadaha qaybo ka mid ahina ay imika bilow yahiin, sida Eeda Dacwada loo haysto Murashaxa magaciisa la yidhaa Qaasim Cali Odowaa oo sedexdii cisho ee u dambeeyay ku xidhan saldhiga dhexe Ee Magaalada Hargeysa.
Maxkamada iyo Xeer ilaalinta waxaanu hor gayn doonaa caddaymo ku filan fal-dambiyeedka loo haysto murashaxaas.

Dhamaan muwaadiniinta xidhan waxa uu Boolisku Xadhigooda u maray sifo Sharci ah oo loo maray Waaran Maxkamadeed.

Waxaa wanaagsanaan lahayd in dadka leh khalad ayaa cid lagu xidhay ay ka war-sugaan Natiijada Maxkamada, ama ay ka qayb galaan Dhagaysiga Garnaqsiga Maxkamada oo cid kasta u furan inay dhegaysato.

Waxa kale oo aanu Shacbiga reer Somaliland u caddaynaynaa in Boolisku uu ku daba-jiro Eedaysanayaal kale oo ay ka mid yihiin;
1. Murashaxad Kubrra Xasan Maxamuud oo Xisbiga Waddani uga sharraxan Gobolka Togdheer.
2. Murashaxad Canab Cabdi Aw Xirsi oo Xisbiga UCID uga sharaxan Gobalka Sool,
Labadaas Xubnood oo Boolisku u hayo Waaran Maxkamadeed waxaanu faraynaa kuna adkaynaynaa in ay Hay’addaha Amniga u tagaan oo ay iska difaacaan Eedaha loo haysto, haddiise ay u tagi wayaan sifo Sharciga Waafaqsan ayuu Boolisku usoo qaban doonaa si loogu oogo Eedaha Dembi ee loo haysto oo Maxkamada loo hor geeyo.

Waxa kale oo aanu Bulshada reer Somaliland la socod siinaynaa in Boolisku uu ku daba-jiro baadhisna uu ku wado Eedaysanayaal kale oo marka baadhistooda la soo afjaro uu Boolisku u gudbin doono Xeer Ilaalinta Qaranka iyo Maxkamada Dalka.

Boolisku waxa uu u marayaa Sifo Sharci ah cid kasta oo lagu soo eedeeyo inay Fal-dambiyeed ku kacdo Xilka uu doono ha hayo, ama Xisbiga uu doono haka tirsanaadee. Cidii Boolisku u helo caddayn buuxdana waxaanu u gudbin doonaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadaha Awwooda u leh.

Baadhista uu Boolisku imika gacanta ku hayaa waxay la xidhiidhaa Fal-dambiyeedyo Foojari ah oo ay ku kaceen qaar ka mid Tartamayaasha qaarkood ee u sharraxan Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee Dalka ka dhici doonta 31 May 2021.”

Geeska.net/Hargeisa Office